Warfidiyeennada kala duwan ee caalamka ayaa si weyn u lafa-guraya weerarradii ay dagaalyahannada Al-Shabaab maalmihii u dambeeyey ka fuliyeen gudaha magaallada Muqdisho, kuna beegsadeen madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane.
The Defense Post oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Washington D.C, oo diiradda saarta wararka la xiriira difaaca iyo amniga, gaar ahaan Afrika, Bariga dhexe iyo Koonfurta Aasiya, ayaa sheegtay in duqayntii ay Jihaahidiyiintu ka fuliyeen gudaha Muqdisho ay hakad gelisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya, sida uu sarkaal ka tirsan amnigu u sheegay AFP.
Warbixintu waxay xustay in hawl-galladani ay kusoo aadayaan todobaadyo uun ka hor markii la weeraray kolonyo uu la socday madaxa kooxda Villa Somaliya, Xasan Gurguurte, kaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab.
Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu waday in ay ku degto garoonka ayaa dib loogu celiyay dalka Jabuuti, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha garoonka, isagoo intaa raaciyey in lagu wargeliyay in EgyptAir ay sidoo kale joojisay duulimaadkeedii maalintaasi, sida ay warbixintu sheegtay.
The Defense Post waxa kaloo ay ka dhawaajisay in sidoo kale la beegsaday Xerada Xalane oo ah ayay tiri xarun si weyn loo ilaaliyo oo ay deggan yihiin Qaramada Midoobay, hay’ado kale oo shisheeye iyo xarunta UN-ku taageero ee hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, sida uu sheegay afhayeenka ATMIS Lt. Col. Said Mwachinalo.
"Waxaa dhacay duqeymo, kooxdayadu hadda waxay ku sugan yihiin goobta qiimaynta," ayuu yiri afhayeenka ATMIS, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka AFP. Sidoo kalena sarkaal ka tirsan laamaha amniga ayaa tilmaamay in weerarradani u muuqdaan kuwo sii socon doona.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen hawl-gallada ay Jihaadiyiintu ku beegsanayaan Shisheeyaha iyo Shisheeye-kalkaalka isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya, sida ay warbixintu soo tebisay.
Falanqeeyayaasha ayaa carabaabay in weerarradii ugu dambeeyey ay sare u qaadeen cabsida shisheeyaha iyo shisheeye-kalkaalku ka qabaan in awoodda xarakada Al-Shabaab ay sii laba-laxaadsato, lagana yaabo in hal bacaad lagu lisay ka dhigaan wixii muddada badan beesha caalamku ay ka dhoob-dhoobaysay dalka Soomaaliya.