Maleeshiyaadkii maanta lagu jabiyey dagaalladii ka dhacay Aboorreey ayaa sidoo kalena galabta dhabar-jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaad kale oo iyaga u soo gurmaday.
Sida ay wararku tibaaxayaan maleeshiyaad galabta gurmad ahaan uga soo baxay Aadan Yabaal oo uu hoggaaminayay taliyaha guud ee maleeshiyaadka Gurguurte, Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu jabiyey dagaallo culus oo galabta ka dhacay isla duleedka Aboorreey ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadkan cagta la maraiyey ay u badnaayeen kuwa uu Maraykanku tababaray ee Bangaraafta oo ay taageerayeen diyaaradaha Maraykanka.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in galabtana dhegta dhiigga loo daray askar uu ku jiray Asad Cismaan Afrax oo ahaa taliyaha maleeshiyaadka ridada Danab ee gobolka Galmudug.
Dagaalladii dhacay gelinkii hore ee maanta ayaa lagu khaarajiyey ugu yaraan 14 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi, halka dhaawacuna uu caga-cagaynayay 20 askari.