Dowladda Faransiiska oo caan ku ah la-dagaallanka islaamka iyo ehelkiisa ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso olole ballaaran oo lagu taageerayo maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda.
Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha Faransiiska ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan iskusoo bax weyn oo lacago malaayiin Yuurow ah loogu aruurinayo maamulka Yahuudda.
Xafladda Maalgelinta Yahuudda ayaa ka billaabanaysa dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska, wasiirka maaliyadda Sahaayinada ayaa lafilayaa in uu ka qeyb galo xamladan oo ah mid lagu maalgelinayo duullaannada ay Yahuuddu ku qaadday Qaza iyo Lubnanaan.
Tobanaan kun oo shacab muslimiin ah ayaa isugusoo baxay magaalada Paris waxayna kasoo horjeedaan ololaha lacagta loogu tabaracayo Yahuudda.
Duqa magaalada Paris ayaa ka codsaday shacabka magaaladan ku dhaqan in ay lacag dhan 260 Milyuun oo Yuuroow u aruuriyaan Yahuudda si ay ugu kaashato wax uu ugu yeeray ladagaallanka Argagaxisada oo uu ula jeedo xasuuqa muslimiinta Qaza.
Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska oo ah saliibi xagjir ah ayaa isna ammaanay xamladan dhaqaalaha loogu aruurinayo Sahaayinada, Macron ayaa tallaabadan qaaday maalmo kadib markii uu kasoo laabtay booqasho uu ku tagay wadanka Al Maqrib ee waqooyiga qaaradda Afrika oo ah dal ay muslimiintu leeyihiin balse uu xoog ku haysto boqor khaa'in dabadhilif ah.