Ma ogtahay hanaanka doorasho ee Somaliland inuu ku bilawday ka hor-tegidda hooska Shareecada? [FAALLO]

Wednesday November 13, 2024 - 11:42:50
Liibaan Jeexoow
Sida dadka badankoodu ka war-qabaan waxaa saaka looga dareeray deggaannada uu gacanta ku hayo maamulka gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland, doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo saarayo madaxweynaha 5-ta sano ee soo socda iyo saddexda xisbi qaran ee tobanka sano ee soo socda.
Saadaasha dadweynaha ayaa lagu soo warramayaa inay u badan tahay in C/Raxmaan Maxamed C/Lahaahi (C/Raxmaan-Cirro) oo u sharraxan xisbiga WADDANI uu yahay ninka la filayo in uu ku guulaysan doono doorashadan maanta. Bal haddaba aan dul-istaag yar ku samayno habkii iyo hannaankii ay kusoo bilaabantay doorashadan dimuqraadiga ah iyo weliba heerarkii ay soo martay.

1991 Shir ka dhacay magaallada Burco ee gobolka Togdheer waxaa lagaga dhawaaqay gooni isu-taagga maamulka la baxay Somaliland, waxaanay ergedii shirkaasi ay madaxweyne u doorteen C/Raxmaan Axmed Cali (C/Raxmaan-Tuur) iyo Madaxweyne-ku-xigeen Xasan Ciise Jaamac oo labadooduba ka mid ahaa saraakiisha ururkii SNM.

1993 Shir ka dhacay magaallada Boorama ee gobolka Awdal waxaa lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo M/weyne-ku-xigeen C/Raxmaan Aw-Cali Faarax. Waxaa sidoo kale shirkaasi lagu go’aamiyey wax lagu sheegay Axdi-qarameed meesha ka saaray ku-dhaqankii Shareecada Islaamka oo kooxdii SNM ay ku go'aan qaateen, Allaah-na kula ballameen in dalka ay ku dhaqi doonaan haddii ay ku guulaystaan dagaalkii ay la galeen dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Axdi-qarameedkan gaalnimada ah ee shirkaasi lagu soo yab-yabay oo ay badhi-taarayeen Gaallada caalamka iyo Gaallo-raacyada jinsiga ka ah Soomaaliga oo Cigaal uu hormood ka ahaa, ayaa seeska loogu dhigay majara-habaabinta ilaa haatan ku socota bulshada degta gobollada Waqooyi ee Somaliland. Kaasi oo qodobkiisa 5-aad dhigayey in lagu dhaqmo muddo labo sano ah kadibna lagu bedelo mid rasmiya oo kii hore kasii dhagar badan oo bulshada lagu marin-habaabiyo.

Khilaaf muddo kadib soo kala dhex-galay M/Wene Cigaal iyo ku-xigeenkiisii C/Raxmaan Aw-Cali Faarax oo ka mid ahaa saraakiishii SNM ayaa sababtay in meesha laga saaro M/Weyne-xigeenka, laguna bedelo Daahir Rayaale Kaahin oo buuxiyey booskii Madaxweyne-xigeenka.

M/Weyne Cigaal ayaa ahaa ninkii bulshada ka galay khiyaanadii ugu waynayd, isla markaana ku-dhaqankii shareecada ee ay rajaynayeen ugu bedeley Distoor-gaalleedka ilaa haatan lagaga dhaqmo gobollada Waqooyi. Waxaana dushooda laga taagay Calan Waraabe-u-taag ah oo lagu xardhay Tawxiidka, si loo hoosaasiyo bulshada muslimka ah ee ku nool deggaannadaasi.

Sanadku markuu ahaa 31/5/2001 ayaa madaxweyne Cigaal waxa uu deggaannadii uu gacanta ku hayay oo dhan ka qabtay afti khiyaano ah oo bulshada lagu marin-habaabiyey. Waxaana gobollada oo dhan loo qaybiyey Laba sanduuq oo kala wata labada midab ee caddaanka iyo madawga.

Bulshada oo si guud xilligaasi iskaga xamaasadaysnayd, isla markaana aan kasoo doogsan kuna sii yaallaan nabarradii uu u geysty rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, ayaa labada Sanduuq loogu sheegay inay yihiin kuwii adduunku ku gar-waaqsanayay rabitaankooda oo ah gooni-goosad iyo in kale.

Labada sanduuq ee la dhigay goobaha cod-bixinta ayaa dadweynaha loo fasiray waxay kala yihiin, waxaana lagu dhahay qofkii raba gooni-goosad iyo madax-bannaanida Somaliland haku rido Sanduuqa Cad, qofka raba Soomaaliya in laga sii mid ahaadana haku rido Sanduuqa Madoow.

Dadka badankooda xilligaasi laguma soo hadal-qaadi karayn wax la yidhaa Soomaaliya, oo xasuustooda ayaa weli waxaa ku dihin xasuuqqii Afweyne. Sidaas darteed intooda badani waxay u codeeyeen Sanduuqii caddaa oo tirintii codadka ee kasoo baxday lagu sheegay inay noqotay 97.1%.

Waxaa xusuus mudan in xilligaasi culimo u badan reer Burco ay ka digeen aftidaasi, balse dhag jalaq looma siin oo maamul gaallo-raac ah ayaa hawshan majaraha u hayay. Waxaase gadaal laga ogaaday isla markaana dadka wax-garadka ah ee wakhtigaasi goob-joogga ahaa aaminsan yihiin in khiyaanada ugu weyni ay xilligaasi dhacday, kadib markii la garwaaqsaday in labada sanduuq ee loo kala codaynayay kala ahaayeen Distoor-gaalleed oo Sanduuqa Cad ahaa iyo Sanduuqa Madow oo ahaa Kitaabka Qur’aanka.

Waxaa sidaasi ku meel-maray khiyaannadii lasoo hindisay, waxaana tan iyo waagaas lagu dhaqmaa distoor-gaalleedkan oo ah sharciga ugu sarreeya ee lagaga dhaqmo deggaannaasi. Waana sharciga laga tix-raaco tallaabo kasta oo la qaadayo. Waxaana kasii farcamay dhammaan xeerarka kale ee deggaannadaasi lagaga dhaqmo sida ay ka dhawaajisay Radio Hargeysa oo ah idaacadda ku hadasha afka maamulka Somaliland.

Intaas kagadaal, waxaa loo digo-rogtay hanaan doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah, waxaana 15/11/2002, la qabtay doorashadii u horeysay ee goleyaasha deggaanka oo saddex-da urur-siyaasadeed ee ugu cod bataa ay u gudbayeen xisbiyo qaran. Waxaana tartankaasi ka qayb-qaatay 6 urur-siyaasadeed oo kala ah ASAD, SAHAN, HORMUUD, UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Tartankaasi waxaa kusoo baxay oo xisbiyo qaran u gudbay UDUB, KULMIYE iyo UCID. Waxaana saddexdan xisbi kala hoggaaminayay Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa madaxweyihii xilligaasi iyo guddoomiyaha UDUB, Maxamed Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo ahaa guddoomiyaha UCID.

Iyadoo 2003-dii ay qorshaysnayd in la qabto doorasho madaxtooyo ayaa 02/05/2002-dii waxaa dalka Koonfur Afrika ku bakhtiyey M/Weyne Cigaal, isagoo xilligaasi isu diyaarinaya ka qayb-qaadashada tartanka doorashadaasi oo foolaadkeeda uu ka mid ahaa. Waxaana isla markii geerida Cigaal la xaqiijiyey xilka talada dalka lagu wareejiyey M/Weyne-ku-xigeenkii xilligaasi Daahir Riyaale Kaahin.

Gu'gu markuu ahaa 14/04/2003-dii, waxaa qabsoontay doorashadii madaxtooyada oo ay ku tartamayeen UCID, KULMIYE IYO UDUB. Waxaana ku guulaystay M/Weyne Daahir Riyaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB.

26/06/2010, waxaa sidoo kale la qabtay doorashadii madaxtooyada oo ay ku tartamayeen UCID, UDUB iyo KULMIYE. Waxaana ku guulaystay Axmed-Siilaanyo oo ka sharraxnaa xisibiga KULMIYE.

Murannada iyo khilaafaadka hadheeyey siyaasadda Somaliland waxa uu ahaa mid in badan soo jiitamay oo heerar kale duwan soo maray. Waxaana 28/11/2012 mar kale loo dareeray codbixinta goleyaasha deggaanka kadib markii dib loo furay ururrada siyaasadda.

Todoba urur-siyaasadeed ayaa tartanka doorashadaasi ka qayb-qaatay, kuwaasi oo kala ahaa UMMADDA, DALSAN, WADDANI, UCID, RAYS, KULMIYE iyo XAQSOOR. Waxaase saddex xisbi qaran kusoo baxay UCID, WADDANI iyo KULMIYE. Kuwaas oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa axsaabta uu dhex-mari jiray tartanka doorashooyinka Somaliland.

13/11/2017, waxaa la qabtay doorashada madaxtooyada oo ay ku tartamayeen C/Raxmaan-Cirro oo ka sharraxnaa WADDANI, Faysal Cali Waraabe oo ka sharraxnaa UCID iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka sharraxnaa KULMIYE. Waxaana xilligaasi ku guulaystay M/Weyne Biixi.

Waxaa mar kale dib u qarxay khilaafaad hor leh oo siyaasadeed oo salka ku hayay furista ururrada siyaasadda, si dib loogu soo doorto saddex xisbi qaran oo kale, maadaama heshiisku ahaa in 10-kii sanaba hal mar la cusboonaysiiyo Xisbiyada qaran.

Muran dheer oo in muddo ah socday kadib waxaa la isla qaatay in doorashada goleyaasha Deggaanka iyo Wakiillada oo isku sidkan la qabto, furista urrurrada siyaasaddana dib loo dhigo.

Waxaa 31/05/2021-kii la qabtay doorashada labadaasi gole ee deggaanka iyo wakiillada oo ahayd markii u horeysay ee doorasho isku sidkan la qabto. Waxaana hoggaankii golaha wakiillada iyo maayirrada magaalooyinka waaweyn oo dhan la wareegay labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Doorashadaasi kadib waxaa mar kale dib u bilawday murankii furista ururrada siyaasadda, waxaanu doorkan gaadhay heer gacan-ka-hadal ah, kadib markii ay abuurmeen jabhado ay xukuumadda Biixi ku eedaysay inuu ka dambeeyo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Murankaasi oo isna in muddo ah soo jiitamaayay ayaa waxuu kusoo idlaaday in 11/09/2024 la shaaciyo liistada kama-damaysta ah ee ururrada siyaasadda ka qayb-qaadanaya tartanka doorashada oo ka koobnaa 7 urur-siyaasadeed oo cusub iyo 3-dii xisbi qaran ee horey u sii jiray oo wadartoodu isku noqonayso 10 urur-siyaasadeed.

Tobanka urur-siyaasadeed oo magacyadoodu kala yihiin WADDANI, KULMIYE, UCID, BARWAAQO, TALO-WADAAG, RAJO, SHACABKA, KAAH, HILAAC iyo HORSEED, ayaa qayb ka ah tartanka doorashooyinka ka dhacaya Somaliland maanta oo Abaca ah, bishuna tahay 13/11/204.

Tartankan oo ka adag tartannadii hore ayaa waxaa lagu soo dooranayaa madaxweynaha hoggaanka dalka qaban doona 5-ta sanno ee soo socda oo sida lagu heshiiyey kasoo dhex-bixi doona 3-dii xisbi qaran ee horey u jiray ee KULMIYE oo u sharraxan ayahay M/weyne Biixi, UCID oo u sharraxan yahay Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI oo u sharraxan yahay C/Ramaan-Cirro, kuwaas oo dhanka kalena 7-da urur-siyaasadeed kala qayb-qaadanaya tartanka loogu jiro saddex xisbi qaran oo cusub.

Isku soo wada xooriyoo, tartankan ayaa dulucdiisu waxay tahay kobcinta diinta gaallada ee Dimuqraadiyada iyo xididdo-u-siibidda ku-dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxaana qofkastoo u kuur-galaa uu ogaanayaa in aanu jirin farqi u dhexeeya doorashadii maalmo ka hor ka dhacday dalka Maraykanka iyo tan maanta ka socota Somaliland.


Related Items

Update cookies preferences