Jubbaland oo xiriirka u jartay DF-ka kuna eedaysay fashilka iyo fagaare-bannaynta ciidamadeeda.

Sunday November 10, 2024 - 14:43:34
Liibaan Jeexoow
Iyadoo xilli dambe oo xalay ah wasaaradda arrimaha gudaha dawladda federaalka Soomaaliya soo saartay bayaan ka dhan ah siyaasadda Axmed-madoobe, ayaa goor dhawayd war-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland lagu shaaciyey inay hakisay wada-shaqayntii ay la lahayd DF-ka Somaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dawladda federaalku ay hormood ka noqotay hagardaamaynta iyo khal-khal gelinta joogtada ah ee amniga Jubbaland. Waxaana lagu eedeeyey inay si weyn u xagal-daacisay hawl-galladii dagaal ee lagula jiray xoogagga Al-Shabaab.

Bayaankan ay soo saartay Jubbaland ayaa si cad loogu sheegay sida ay ugu fashilantay dagaalladii ay kula jirtay Al-Shabaab, isla markaana ciidamadeedii iyo kuwa dawladda federaalkuba ay dhabarka u jeediyeen kana soo hulleeleen furimaha dagaalka, iyadoo guul-darradaasi u tiirisay kooxda Xasan Gurguurte.

Sidoo kale Jubbaland ayaa bayaankeedan ku caddaysay in dawladda federaalku ay ciidamada ka dhex-bilawday kala fur-fur, isla markaana ka caga-jiidday in ciidamada diidday inay la dagaallamaan Al-Shabaab ay kusoo bedesho ciidan kale oo isku dhaf ah oo buuxiya furimihii lasoo banneeyey.

Maamulka Jubbaland ayaa mar kale ku celiyey isla markaana sheegtay inuu u madax-bannaan yahay qabsashada iyo maamulidda doorashadooda. Iyagoo ka digay in la siyaasadeeyo, si khaldanna loo isticmaallo ciidanka dawladda iyo kuwa ATMIS.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xiisaddu ay cirka isku sii shareertay isla markaana dowladda federaalka Soomaaliya codstay in ciidamada ATMIS ee jooga Kismaayo ay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha ee magaalladaasi.



 


 

 

 

Related Items

Update cookies preferences