Maxaad ka ogtahay musharraxa sida weyn loogu saadaalinayo in uu noqdo madaxweynaha Somaliland?

Tuesday November 12, 2024 - 15:01:13
Liibaan Jeexoow
Berri waxa doorasho looga dareeri doonaa maamulka isku magacaabey Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya. Dad lagu qiyaasay 1,200,000 oo qof ayaa la sheegay in ay kaararka codadka qaateen si loo soo saaro cidda maamulkaas hoggaamin lahayd 5sano ee soo socota.
Maamulka oo xilligii Siilaanyo laga codeyn jirey dhammaan dhulka uu sheegto ayaa hadda ka dib dagaal qaatey 8 bilood laga soo saarey magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku dhaw isla markaana aan laga codeynayn qaybo kamid ah Sanaag.

Sannadkii 2017 bishan oo kale waxa tartamey musharraxiinta 3 xisbi ee maanta tartamaya kuwaas oo kala ah, Cirro, Muuse iyo Faysal. Doorashadaas oo lagu kala guuleystay codad gaaraya 80,000. Waxaana ku soo baxay Muuse Biixi oo noqday madaxweynaha Somaliland.

Kaalinta labaad waxa xilligaas galey Cirro laakiin waxa codad aad u hooseeya helay Faysal Cali Waraabe oo isagu tan iyo intii Somaliland jirtey ee dadku codadkooda dhiibanayeen tartamayey. Waxa sidoo kale Faysal doorasho walba uu fariisanayey kaalinta 3aad.

Haddaba saadaasha ayaa sheegaysa in gobolka Awdal oo ay yaallaan ilaa 180kun oo cod in 90kun oo kamid ahi u codeyn doonaan Waddani halka ilaa 50kun u codeyn doonaan Kulmiye. Tan ayaa dhalisay in xitaa madaxweyme ku xigeenkii Somaliland uu taageeray Cirro.

Gobolka Maroodi Jeex(Waqooyi Galbeed) oo ay yaallaan ilaa 500,000 oo cod isla markaana caasimadda ah waxa la sheegayaa in 270kun oo kamid ahi u codeyn doonaan Kulmiye halka 160kunna u codeyn doonaan Waddani, tan ayaa ah in taageerayaasha Kulmiye ku badan yihiin gobolkaas.

Gobolka Togdheer oo xaruntiisu tahay Burco waxa la saadaalinayaa in mucaaridku cod aqlabiyad ah ku kor mari doono taas oo dhan 140kun halka Kulmiye loo saadaalinayo ilaa 60kun ama ka yar. Tan waxa keentay odayaal dhaqameedka Bariga Burco oo Kulmiye ahaan jirey hadda se si weyn u taageeray Waddani.

Gobolka Sanaag oo xaruntiisu tahay Ceergaabo waxa la sii oddorasayaa in Waddani ka heli doono 70kun, Kulmiyena 25kun. Gobolka Saaxil ee xaruntiisu tahay Berbera ayaa iyadana la saadaalinayaa in Kulmiye ka heli doono 60kun, Waddanina 20kun.

Ugu dambayn Gobolka Sool oo Somaliland ka joogto degmada Caynaba ayaa la saadaalinayaa in codka yaalla oo ah 30,000 oo cod uu Waddani heli doono 20,000 oo kamid ah halka 10,000 ee soo harayna uu heli doono Kulmiye. Saadaasha ayaa ugu dambayn sheegaysa in ilaa 25kun oo cod uu ku horreyn doono Waddani.

Waxa kale oo jira saadaalo kale oo sheegaya in Waddani uu ku guuleysan karo ugu yaraan 90,000 oo cod laakiin waxa aan soo qaadannay tii tibaaxaysay farqiga ugu yar.

Si kastaba ha ahaatee waxa berri maamulkaasi u dareerayaa doorasho ay isku baddaleen ilaa 3madaxweyne 4 jeerna la qabtey mid nooceeda ah.

Related Items

Update cookies preferences