Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo khasaare laxaad leh lagu gaadhsiiyey maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.
Dagaalkan oo tiraba dhawr jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka Axmed-madoobe ayaa shalay ka dhacay inta u dhexeysa deggaannada Beerxaani iyo Jannaay-Cabdalle ee duleedka Kismaayo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Axmed-madoobe laga dilay ugu yaraan 51 askari oo 7 ka mid ah ay yihiin saraakiil, halka 70 kalena laga dhaawacay.
Meydadka qaar ayaa la sheegayaa in weli ay wadhan yihiin goobihii shalay dagaalladu ka dhaceen oo haatan ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab.
Maleeshiyaadkii lagu jabiyey dagaalkan ayaa iyagoo khasaare culus dhabarka loo saaray oo firxad ah orod ku galay magaallada Kismaayo.
Waxa kale oo wararku ay intaasi ku darayaan in ay jirto agabyo ciidan oo ay ka mid yihiin 9 Qori oo laga soo furtay maleeshiyaadka Jubbaland.
Dhanka gobolka Shabeellada hoose, shalay galab dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa qarax culus la beegsaday kolonyo ciidamo Uganda ah.
Kolonyadan Ugandhiiska ah ee la weeraray ayaa ku socdaalayay nawaaxiga deggaanka Laanta-Buuro ee duleedka degmada Afgooye.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu gubay gaadhi Tow ah oo qayb ka ahaa kolonyada, isla goobtiina uu ku shuf-beellay isaga iyo wixii saarnaa.
Sidoo kale qarax culus ayay xoogagga Al-Shabaab xalay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, waxaana ku bakhtiyey 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka dawladda.
Gobolka Bakool waxaa isna xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee saldhigga degmada Waajid.