Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa maanta weerar culus la beegsaday maleeshiyaadka maamulka la baxay Jubbaland.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkaasi la weeraray xilli ay biyo ka dhaasanayeen ceelka Buulo Xaaji ee duleedka magaallada Kismaayo.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay wararku tibaaxayaan in la gaadhsiiyey maleeshiyada Axmed-madoobe, walow aanaan helin faahfaahin dheeriya.
Dhanka gobolka Shabeellaha hoose, xoogagga Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka dawladda ee xaafadda Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Weerarradan lagu dhiig-bixinayo maleeshiyaadka dawladda iyo kuwa ay daba-dhilifka u yihiin ee ciidamada gumaysiga ATMIS ayaa si xawliya uga socda gayiga Soomaaliyeed.