Silsilado Qaraxyo ah oo lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Ugaandhiis ah.

Sunday November 10, 2024 - 13:14:11
Liibaan Jeexoow
Qaraxyo silsilado ah ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo afrikaan ah oo ku socdaalayay deggaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo culus la beegsaday Kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah oo ka baxay degmada Jannaale.

Kolonyadan la weeraray oo qorshahoodu ahaa inay ka hor-tagaan kolonyo kale oo sahay u soo waday ayaa waxaa qaraxyadaasi kaga bakhtiyey 2 askari oo Ugandhiis ah, halka dhaawacuna gaadhayo 5 askari.

Sido kale Kolonyada Ugaandhiiska ah ee soo wada Sahay-da ayaa iyagana maanta qarax lagula beegsaday afafka hore ee deggaanka Shalambood.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidkii kolonyada afrikaanta gabi ahaanba uu qaraxaasi ku burburay.

Waxa kale oo aanu faahfaahin ka helnay qarax shalay inta u dhexeysa Shalambood iyo Danow lagula beegsaday Kolanyada Sahayda, kaas oo ay ku bakhtiyeen 3 askari oo Ugaandhiis ah.

Related Items

Update cookies preferences