Weerar madaafiic ah oo xoogagga Al-Shabaab ay maanta ku beegsadeen xerada ugu weyn soo-duulayaasha Soomaaliya ee Xalane ayaa laga helay warar horu-dhac ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in madaafiicdii lagu garaacay ay ku hoobteen gudaha xerada halkaasi oo muuqaallo laga helay muujinayaan khasaaraha culus ee gaadhay.
Sawirrada ayaa laga dheehan karaa burburka xooggan ee ka dhashay duqayntaasi, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in khasaaruhu aad u ballaadhan yahay.
Xogahii ugu dambeeyey ee nasoo gaadha ayaa tibaaxaya in shaqaale ka tirsan QM oo isugu jira Caddaan iyo Soomaali ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqayntaasi.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli qoob-gariir ay ku jiraan soo-duulayaasha gumaysiga ku jooga Soomaaliya oo la filayo inay dhawaan sidii Afganistan oo kale uga hulleeli doonaan dalka Soomaaliya.