Maanta oo Isniin ah ayaa ka hadhay, xilliga loo asteeyey inay dhacdo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan 2024-ka, oo ah salaasada berri ah, bishuna tahay tahay 5-ta November.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya madaxweyne ku xigeenka xilligan ee Mareykanka, haweenayda lagu magacaabo Kamala Harris, oo u sharraxan xisbiga dimoqraadiga iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo u sharraxan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasoo aad isugu dhaw.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa ee soo marta taariikhda maraykanka ayaa ol’olahoodii marayaaa heer gabo-gabo ah. Waxaanay labada musharraxba ku dedaalayaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen dadka aan weli labac-labaca ku jira ee aan ka go’aan qaadan cidda ay codkooda siinayaan.
Kamala Haris, oo hadal ka jeedisay gobolka Michigan, oo ah gobolka ay ku noolyiin dad badano oo asal ahaan Carab ah, ayaa waxay wacad ku martay inay soo gabo-gabeyn doonto dagaalka Qasa, oo socda in ka badan sanad, iyadoo sheegtay inay u mari doonto waddo kasta.
In ka badan 75 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay horey u dhiibteen codadkooda, sida laga soo xigtay shay-baadhka doorashada ee jaamacadda Florida, kaas oo la socda macluumaadka shaacinta ee dalka oo dhan.
Donald Trump ayaa intii uu ku gudo-jiray ol’olaha ee maalmihii u dambeeyey dadweynaha u sheegay in uu Xabeeb khaati ka joogo. Waxaanu si adag u weeraray naagta kursiga kula tartamaysa ee Kamala Haras oo uu ku tilmaamay Beenaley.