Markii ugu horraysay maraakiib dagaal oo ay leedahay Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa isaga kala gooshay marin biyoodka caalamiga ah ee Alusweys tan iyo markii uu billaawday dagaalka Qaza.
Laba Markab oo Yahuuddu leedahay ayaa la arkay iyagoo si xoriyad leh uga gudbiya marin biyoodka Suweys ee ay gacanta ku hayso dowladda dabadhilifka Masar.
Markab gujis ah iyo mid kale oo ah nuuca sawaariikhda ayaa ka gudbay marinka sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Al Qaahira.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay maraakiib ay ka babanayaan calamada Sahaayinada oo maraya Kanaalka Suweys ayna sawirro ka qaadayaan dad Masaari ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay hay'adda Kanaalka Suweys ayaa lagu sheegay in tallaabada Maraakiinta Yahuuddu ku isticmaaleen ay u ogolaanayo heshiis caalami ah oo ku saabsan isticmaalka marin biyoodyada.
Malaayiin qof muslimiin ah oo arrinkan ka falceliyay ayaa inkaar iyo dhaleecayn hawada umarsiiyay nidaanka Cabdifataax Alsiisi oo ay sheegeen in uu qeyb ka yahay xasuuqa shacabka magaalada Qaza.
Isbuucii hore Masar ayaa sidaan oo kale u ogolaatay in mid kamida dekadaheeda uu kusoo xirto markab shixnado walxa qarxa ah usida Sahaayinada waxaana mutafajiraadkaas lagu gummaadayaa shacabka Qaz.