Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo aad uxooggan kana dhan ah Xasan Gurguurte madaxweynaha DF-ka.
Afartameeyo xildhibaan oo ka amba baxay Muqdisho ayaa ka degay madaarka Kismaayo kadib casuumaad uu ufidiyay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland.
Xildhibaan Xasan Ferinbi oo hoggaaminaya xildhibaannada Kismaayo gaaray ayaa warbaahinta usheegay in ay shirar xasaasi ah layeelan doonaan Axmed Madoobe ayna ka tashan doonaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka kasoo kordhay.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka isku magacaabay Jubbaland iyo xildhibaannada mucaaradsan siyaasadad Xasan Guguurte ay soo saari doonaan warsaxaafadeed midaysan oo ay ku diidayaan qorshaha uu Xasan Gurguurte wato ee loo magac daray Doorasho qof iyo Cod.
Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan siyaasiyiin isaga kala yimid dalka iyo dibadda waxaana lafilayaa in ay kasoo baxaan go'aanno siyaasadeed oo ka dhan ah nidaamka Villa Somalia.
Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa dibad joog ka ah DF-ka waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay ay sedax wasiir iska casileen xukuumadda Xamza Barre kuwaas oo lasaftay maamullada ay kasoo jeedaan.