Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka hadley doorashada ka socota maamulka la baxay Somaliland.
Mahdi oo ahaa Reysal Wasaare Xigeenkii Xukuumaddii Farmaajo ayaa sheegay in uu baaq u dirayo dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Somaliland ka taliyo.
"Dadka Somaliland waa in ay doorashada uga faa’ideystaan in ay ku kala nabad galaan, waana in musharraxa ay rabaan doortaan” ayuu yiri Mahdi.
Mahdi Guuleed waxa kale oo uu u jeediyey musharraxiinta maamulkaas ka tartama in ay natiijada ka soo baxda aqbalaan.
Doorashada uu maamulkani qabsanayo ayaa ah middii afraad ee nooceeda ah ee qabsoomaysa marka laga eego dhanka madaxtooyada. Waxa xusid mudan in Mahdi Guuleed kamid yahay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland balse aan tegi karin.
Mas’uuliyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka haya Dowladda Federaalka ayaan tegi karin Somaliland haddii ay tagaanna waxa loo diraa xabsiga.
Mararka qaar waxa dhacda in siyaasiyiinta qaarkood ay cafis dalbadaan dabadeed ay sidaa ku tagaan Hargeysa.