Waxa iska soo daba dhacaya xogo laga helayo doorashadii shalay ka qabsoontey Somaliland taas oo tibaaxaysa in tirinta codadka hordhaca ah uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku horreeyo codad badan.
Xogaha ayaa xusaya in inta badan gobollada ay doorashadu ka dhacday qaybo badan oo kamid ah la tiriyey.
Cabdiraxmaan-Cirro oo ah musharraxa mucaaridka ee ugu cadcad ayaa la sheegayaa in uu ku horreeyo codad aad u tiro badan.
Warar kale waxa ay tibaaxayaan in goobaha qaar ciidanku isku dayayaan in ay xoog kula wareegaan sanduuqyada codka taas oo noqon karta boob iyo ku shubasho.
Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ilaa immika aan soo saarin natiijo rasmi ah.
Maalinta loo asteeyay in lagu dhawaaqo doorashada ayaa noqonaysa 21 November sida Guddida Doorashooyinku hore u sheegeen. Si kastaba ha ahaatee waxa aad isha loogu hayaa doorashada Somaliland taas oo ay ku tartamayeen saddexda musharrax ee kala ah Muuse Biixi, Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.