Ol'olaha Trump iyo Kamala Harris oo dhammaad ku dhow iyo wararkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka.

Sunday November 03, 2024 - 17:12:09
1611
Liibaan Jeexoow
Iyadoo wax ka yar 48 saacadood ay ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka ayay musharrixiinta labada Xisbi ku jiraan ololihii ugu dambeeyay ee doorashadooda.
Donald Trump iyo Kamala Harras ayaa wada socdaalkoodii ugu dambeeyay oo ay ku marayaan 50-ka gobol ee uu dalka Mareykanku ka koobanyahay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay in beretenka u dhaxeeya labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ay isku dhow yihiin waxaana adag in la saadaaliyo cidda ay guushu raaci doonto.

Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayay gobollada North Carolina iyo Mishigan ayaa ugu baaqay dadka gobolladan ku dhaqan in ay isaga u codeeyaan isagoo u ballan-qaaday wax ka qabashada shaqa la'aanta iyo azmada dhaqaale ee wadankaasi ka jirta.

Labada Musharrax ayaa xoogga saaraya todobada gobol ee loogu yeero derbiga adag waana gobollada go'aamiya cidda ku guulaysanaysa doorashada dalka Mareykanka.

Maraakizta wax saadaalisa ayaa warbixinnadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen waxay muujinayaan in Trump uu dhibco aad u yar ka horreeyo haweenayda la tartamaysa ee Kamala Harras balse farqiga labada dhinac u dhaxeeya uu aad u yar yahay.

Doorashadan oo dhici doonta Talaadada soo socota ayaa lagu sheegay middii ugu adkeed ee Mareykanka soo marta 40-kii sano ee lasoo dhaafay.

Haddii uu Trump mar kale dib uu soo laabto ayuu noqon doonaa madaxweynihii 3-aad ee American ah oo dib ugu soo laabto aqalka cad waxaana ka horreeyay laba madaxweyne oo kaliya.

Related Items

Update cookies preferences