Saacado kadib markii uu isbedel ku yimid hoggaanka maamul ee wadanka Mareykanka ayay dowladaha ka jira siyaabo isku mid ah uga hadleen isbedelkaas.
Inta badan madaxweynayaasha iyo R/wasaarayaasha caalamka ayaa hambalyo u diray Donald Trump oo ka guulaystay haweenaydii la tartamaysay ee Hamala Harris.
Dowladda kaliya ee aan wax hambalyo ah u dirin Trump waa imaarada Islaamiga Afghanistan balse waxay ka hadashay dib u doorashadiisa, si ka duwan dowladaha kale.
Imaarada Islaamiga ah ee Afganistan waxay sheegtay in Donald Trump ay la gudboon tahay in uu dib u saxo khaladaadkii uu galay afartii sano ee uu talada hayay.
Cabdul Qahaar Balkhi oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Islaamiga ah ayaa sheegay in Trump ay ugu baaqayaan in uu wax ka bedelo siyaasaddii uu kula dhaqmayay Afghanistan islamarkaana uusan ku fikirin in mar dambe uu wax dhib ah u geysto shacabka muslimiinta ree Afghanistan.
"Waxaan Trump u soo jeedinaynaa in taariikhda wax ku qaato oo uu wadiiqo cusub u jeexo cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Afghanistan uuna adkeeyo heshiiskii nabadeed ee uu horay noola saxiixay" Ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Khaarijiga Imaarada Islaamiga ah.
Bishii Febaraayo ee sanaddii 2020-kii ayuu Donald Trump imaarada Islaamiga Afghanistan la saxiixday heshiiskii caanka ahaa ee Mareykanku kusoo gaba gabeynayay duullaanka Afghanistan wuxuuna heshiiskaas sababay in ciidanka Americanka ah ay si dullaysan uga baxaan wadanka dabayaaqadii sanadkii xigay ee 2021-kii.