Weerar madaafiic ah oo goor dhawayd lagu qaaday xerada Xalane.

Sunday November 03, 2024 - 11:36:12
Liibaan Jeexoow
Xoogagga xarakada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa maanta weeraray taliska ugu weyn ee ay deggen yihiin soo-duulayaasha Soomaaliya.
Weerarkan ayaa ahaa madaaafiic lagu garaacay xerada Xalane ee magaallada Muqdisho, kuwaas oo dhammaantood ku hoobtay gudaha xerada, sida aanu ku helnay xog lagu kalsoon yahay.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi weli ma aanaan helin. Balse hawl-galkan ayaa imanaya iyadoo xalay weerarro culus lagu beegsaday ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka u adeegga ee gobolka Shabeellaha hoose.

Related Items

Update cookies preferences