Abiy Axmed "Somaliland waxaan kula heshiinay in aan muddo 50 sana ah sii joogno marin-badeedka Badda Cas"

Thursday October 31, 2024 - 17:16:41
Liibaan Jeexoow
Mar kale R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee ka jirta wadankiisa iyo xiisadaha ka oogan geeska qaaradda Afrika.
Khudbad uu u jeediyay xubnaha baarlamaanka wadankiisa ayuu ku sheegay in Itoobiya ayna marnaba ka tanaasulayn gaaridda Badda Cas ayna adeegsan doonto wax walba oo ay awooddo.

Wuxuu ka jawaabay su'aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka waxaana su'aalihii laweydiiyay kamid ahaa halka uu ku dambeeyay heshiiskii uu horraantii sanadkan lasaxiixday Muuse Biixi.

"Heshiiskii aan lasaxiixannay Somaliland wuxuu ahaa mid faa'iido u leh bulshada gobolka gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya si isku mid ah, Itoobiya in ay gaarto badda Cas waa himilo boqol sano soo jirtay marnaba nama cabsi gelinayaan kuwa noosoo hanjabaya"ayuu yiri Abiy Axmed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu carrabaabay in heshiiskii uu lagalay Muuse Biixi uu ahaa in muddo 50 sano ah Itoobiya maamulato marin badeedka lasiiyay iyana ay maalgelin siin doonto maamulka Somaliland.

Mar laweydiiyay khataraha ka dhashay heshiiskii uu saxiixay horraantii sanadkan ayuu ku jawaabay "Ma jirto cid nasoo hawaysan karto waxaan leenahay ciidan xooggan,Itoobiya waxay ka gudubtay in ay dibadda kasoo dhoofsato hubka hadda waxaan leenahay warshado waaweyn oo soo saara dhammaan saanadda ciidanka sidaas daraadeed cagta ayaan marin doonaa cid walba oo isku dayda in ay hor istaagto himiladeena".

Sidoo kale Abiy Axmed ayaa soo hadal qaaday eedaymaha uga imaanaya Xasan Gurguurte isagoo dowladda Federaalka ku sifeeyay mid taakdaran wuxuuna ku faanay in ciidamada Itoobiya ee Al Shabaab ku laayeen Soomaaliya ay difaacayeen xukuumadda Villa Somalia ka jirta.

R/wasaaraha dowladda Xabashida oo umuuqday in arrinta badda uu ku midaynayso shacabkiisa kala qeybsan ayaa ku dheeraaday ka hadalka galka laxiriira damaciisa badda Cas ee Soomaaliya balse ma magac dhabin.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xaaladda liidata ee ka taagan ismaamulka Amxaarada isagoo sheegay in ay halkaas ka wadaan isbedello waaweyn, wuxuu iska indha tiray dagaallada laayaanka ah ee deegaanno katirsan gobolka ku dhaxmaraya ciidamada Melleeteriya iyo maleeshiyaadka Faano.

Related Items

Update cookies preferences