Korneyl Muuse Biixi oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanta la kulmay xubno Reergalbeed ah oo lagu sheegay in ay goobjoogeyaal ka noqon doonaan doorashada labada cisho ka hareen ee ka qabsoomaysa maamulkaas.
Xubnahan goobjoogayaasha ah ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrika iyo Yurub ah kuwaas oo u socda in ay korjoogteeyaan doorashada Somaliland.
Dalalka Reergalbeedka ayaa la sheegaa in ay lacag ku bixiyaan hirgelinta dimuquraadiyadda dalalka ay xukumaan daba dhilifyadu.
Maamulka Somaliland waxa uu tan iyo 1991-kii sheeganayey in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale laakiin wali kuma guuleysan ictiraafka duwaliga ah.