Muuse Biixi: Kuwii ciidanka laayey waan maxkamadeyn doonnaa.

Monday October 28, 2024 - 16:02:39
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey fagaaraha khayriyada ee Burco ayaa sheegay in aan la cafin doonin malleeshiyo uu ku sheegay in ay laayeen qaar ka mida ciidanka Somaliland.
Muuse oo u jeeday malleeshiyo beeleed gashey buur ku taalla duleedka magaalada Berbera ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in kuwii magta bixiyey iyo kuwii ciidanka laayeyba ay ku kaceen wax uu ku sheegay qiyaano qaran.

"Ciidamada Qaranka la laayay mag lagama bixin karo, dembigooduna waa khiyaano qaran” ayuu yiri Korneyl Muuse.

Biixi waxa uu sidoo kale Cirro ku eedeeyay in uu abaabuley jabhad mar sii horreysay ku baxdey maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayey Korneyl la oran jirey Caarre oo mar fariisinkoodu ahaa Puntland.

Dhanka kale wasiirkiisa daakhiliga Maxamed Kaahin oo isna hadlay ayaa C/Raxmaan-Cirro ku eedeeyey in uu aas'aasay gurigiisana ka abaabulay ciidankii galay buurta Gacan Libaax.

Waxa kale oo wasiirku carabka ku dhuftay in jabhaddii Gacan Libaax ay maantana iyagoo hubkoodii sita joogaan guriga C/Raxmaan-Cirro oo ay ilaaliyaan.

"Magtii ciidankaa, C/Raxmaan xaafaddiisaa laga soo ururiyayoo, aniga xafiiskayga ayaa $ 500’000 Dollar lagu go’aamiyey…” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Waxa xusid mudan, markii lasoo dejiyey malleeshiyadii Buurta Gacan Libaax in lagu heshiiyey in la saamaxo malleeshiyada taas oo xukuumadda Muuse Biixi aqbashey.

Warqad ka soo baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu xusey in aan waxba loo haysan malleeshiyadii Buurta Gacan Libaax.

Odayaal dhaqan oo ka soo jeeday Bariga magaallada Burco ayaana lahaa go’aankii lagu kala direy Jabhaddii Buurta Gacan Libaax kuwaas oo madaxweynaha maamulka ka soo dhammeeyay in uu cafiyo dhallintaas isla markaana diyo laga bixiyo ciidankii la laayey.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Bariga Burco waxa ay xukuumadda ku amreen in la qabto doorashada halka malleeshiyo beeleeddana ay ku amreen in ay bixiyaan magtii ciidanka la laayey.

Related Items

Update cookies preferences