Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada Itoobiya gabi ahaanba laga reebay hawl-galka cusub ee beddeli raba hawl-galka ciidamada ATMIS ee wakhtigiisu ku eg-yahay dhammaadka sannadkan.
Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Federaalka Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xogta rasmiga ah ee ilaa hadda ay ogyihiin ay tahay oo kaliya in Itoobiya ay ka hadhay hawlgalkaasi.
C/Qaadir Maxamed, waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in wakhti dhaw la shaacin doono dawladaha cusub ee kusoo biiraya hawl-galka AUSSOM iyo dawladahii hore ee ka hadhay, marka xilligeeda la gaadhana ay ka hadli doonaan.
"Marka wakhtigeeda la gaadho ayaan ka hadlaynaa, dawladaha cusub ee kusoo biiray iyo dawladihii hore kuwa ka hadhay inay hawl-galkaasi ka mid noqdaan, laakiin dawladda Itoobiya uun baanu ognahay oo hadda hawl-galkan ka hadhay, oo iyaduna qaranimadeenna iyo midnimadeenna kusoo xad-gudubtay…” ayuu yidhi Wasiir C/Qaadir Maxamed Nuur.
Mar wasiirka wax laga waydiiyey farqiga u dhexeeya hawl-galkan cusub ee AUSSOM iyo hawlgalka wakhtigiisu sii dhammaanayo ee ATMIS ayaa sheegay in farqi weyni u dhexeeyo, oo hawl-galkan cusubi uu dhanka tirada ciidanka aad uga yar yahay hawl-galka sii dhammaanaya.
Sidoo kale wasiirku waxa uu ka dhawaajiyey in hawl-galkan cusubi uu ku ekaan doono goobo aad u kooban. Isla markaana dhanka farsamada iyo cirkaba uu ka caawin doono ciidanka dawladda dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhanka dawladda Itoobiya wax war ah oo arrintan ku saabsan kama uu soo bixin, balse hadalka Wasiirka ayaa imanaya kadib markii uu dhawaan socdaallo ku soo maray qaar ka mida dalalka ay ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Itoobiya.