Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Imaaraatka Carabta oo kulan ka yeeshay arrimaha geeska Afrika.

Wednesday October 23, 2024 - 17:30:36
Liibaan Jeexoow
Wadanka Ruushka waxaa weli ka socda shirka ay isugu yimideen hoggaamiyaasha isbahaysiga dhaqaale ee lamagac baxay BRICS.
Shirkan oo ay horboodayaan dowladaha Ruushka,Shiinaha,Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa ladoonayaa in lagu dhiso isbahaysi dhaqaale oo taratan adag lagalo lacagta Dollarka Mareykanka.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya oo kamid ah wufuudda shirka ka qeyb gelaysa ayaa sheegay in uu kulan gaar ah laqaatay Max'med Bin Zayed.

Qoraal sawirro wata oo uu bartiisa ku faafiyay ayuu ku sheegay in uu Madaxweynaha Imaaraatka Carabta kala hadlay arrimaha geeska Afrika iyo iskaashiga labada dhinac.

Dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa larumeysanyahay in ay tahay midda ka gadaal ka riixaysa mashruuca bad raadiska ah ee uu ku howlanyahay Abiy Axmed.

Imaaraatka oo gacanta ku haya labada dekadood ee ugu weyn waqooyiga iyo Bariga Soomaaliya ayaa doonaya in uu Itoobiya umaalgeliyo dekadaha ay ka qabsanayso xeebaha Soomaaliya.

Sanaddii 2019 ayay shirkadda dekadaha Dubai waxay saami dhan 19% kasiisay dowladda Xabashida Itoobiya.

falanqeeyaasha ayaa aaminsan in Max'med Zaayad uu yahay ninka soo allifay heshiiskii xaaraanta ahaa ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Related Items

Update cookies preferences