Nayjeeriya: 147 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhashay Booyad Shidaal

Thursday October 17, 2024 - 09:44:48
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 147 qof ayaa dhintay, ku dhawaad 100 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay Booyad Shidaal oo habeen hore ka dhacay waqooyiga dalka Nayjeeriya.
Sababta keentay shilkan geystay khasaaraha culus ayaa la sheegayaa inay tahay Dirwalka oo xakamayn kari waayay Booyadda kadib markii uu soo galay meel goolad ah kuna geddoontay.

Dad rabay inay ururiyaan shidaalka daadanaya ayaa kusoo xoomay goobta shilka, kadibna waxaa kacay dab aad u xooggan oo khasaaraha shilka sii kordhiyey. Sida saraakiil ka tirsan dawladda u sheegeen warbaahinta.

"Saraakiisha ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan booyadda shilka, kadib habeenimadii Talaadada, laakiin way suurta-geli wayday inay xakameeyaan dadka soo xoomayay” ayuu yidhi afhayeenka bilayska Lawal Shiisuu Adam.

Ciidanka Boolisku waxay walaac ka muujiyeen in dhimashadu ay kor u kacdo maadaama qaar badan oo ka mida dhaawacyadu ay xaaladdoodu culus tahay.

Shilkan ayaa si gaara uga dhacay magaallada Majiya ee waqooyiga gobolka Jigawa. Waxaanay booyaddu xilligaasi ka timi Kanu, iyadoo u sii jeedday Nguru oo ka tirsan gobolka Yobe.

Qaraxyada booyadaha shidaalka ayaa ku badan dalka Neyjeeriya, oo ah waddan si weyn ugu tiirsan waddooyinka gaadiidka xamuulka ah. Iyadoo inta badan loo aaneeyo waddo-xumo ka jirta dalkaasi.


Related Items

Update cookies preferences