Tan iyo intii ay bilawdeen ol'olaha doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo xisbiyada ee maamulka la baxay Somaliland oo maalmo koobani ay ka hadhsan yihiin, ayaa waxaa sare u kacay khasaaraha ka dhalanaya shilalka baabuurta.
Hal qof ayaa dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay Shil gaadhi oo maanta ka dhacay Xaafadda Faluuja ee koonfurta magaallada Hargeysa.
Sidoo kale Labo qof ayaa ku geeriyooday, hal qof-na waa uu ku dhaawacmay labo shil oo ka kala dhacay duleeddada bari iyo galbeed ee magaallo-marsada Berbera.
Mid ka mida shilalkan oo habeen hore ka dhacay galbeedka Berbera, ayaa ka dhashay isku-dhaca labo baabuur oo waaweyn oo nooca xamuulka ah, waxaana ku dhintay nin dirawal ah.
Shilka kale ayaa isna dhacay subaxnimadii hore ee jimcihii shalay, kadib markii duleedka bari ee magaallada uu ku qallibmay baabuur yar oo nooca raaxada ah ee loo yaqaan Toyota Mark 110.
Baabuurkan ayaa waxaa saarnaa qoys lammaane ah. Waxaana goobtaasi ku geeriyootay Ubax Ciise oo uu qabay Axmed-keyse Farxaan oo ahaa wadaha baabuurka kuna dhaawacmay shilkaasi.
Taliyaha ciidanka nabad-galyada waddooyinka ee gobolka Saaxil, Maxamed Cabdi Xasan oo dhacdooyinkan ka hadlay ayaa shilalka soo badanaya ku sababeeyey doorashooyinka ka jira dalka.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in 8-dii saacadood ee gelinkii hore ee shalay oo kaliya cisbitaalka guud ee magaallada Hargeysa la gaarsiiyey 15 qof oo wax-yeello ka soo gaartay Shilal baabuur iyo dhaawacyo Tooray, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay ol’olaha doorashada.
Isku soo wada duuboo, shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan Somaliland, waxaanay sheegaysaa tirakoob uu maamulku soo saaray sanadkii hore ee 2023 in 6,536 shilal baabuur ah ay dhaceen gu'gaasi oo kaliya, kuna dhinteen dad gaaraya 198 qof, ayna ku dhaawacmeen 4,890 ruux.