Faah-faahin dheeraad ah ayaanu ka helnay dagaal saaka xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen maleeshiyaadka dawladda ee deggaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkan si xun loogu jabiyey maleeshiyaadka isla markaana khasaare culus dhabarka loogu saaray.
Ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan askarta dawladda ayaa dagaalkaasi lagu dilay kuwaasoo qaarkood aanu helnay magacyadooda oo kala ah, Shuceeb Xusseen Cumar, Tahliil Maxamad Yuusuf (Gomey), Maxamad Cali Wehliye iyio Muuse Maxamad Gacal.
Maleeshiyaadka dawladda oo dagaalkan loogu awood-sheegtay ayaa sidoo kale laga dhaawacay 2 askari, waxaana laga qabsaday 1 qori Bkm ah iyo 3 qori oo Ak-47 ah, iyadoo goobihii ay joogeenna lagala wareegay.
Isla duleedka deggaanka Masagawaay waxaa maanta ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday gaadhi ay la socdeen maleeshiyaadka dawladda.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu gubtay gaadhigii la qarxiyey oo noociisu ahaa Qooqan. Waxaana ku dhintay 2 askari oo ka tirsan maleeshiyadka halka 3 kalena ay dhaawacmeen.