Hawl-gallo kala duwan ayay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gobollo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo waliba deggaannada NFD ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Haddii aynu ku horeyno gobolka Shabeellaha hoose, weerar dhabbo-gal ah ayay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye.
Weerarkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka DF-ka oo mooto watay. Dhimashadu waa 2 askari, halka dhaawacuna yahay 1 askari.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan ay dagaalyahannada Al-Shabaab kusoo furteen 2 qori oo AK47 ah.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka DF-ka ee Buundada yar ee degmada Qoryooley.
Isla gobolka Shabeellaha hoose haddii aynu kusii socono, waxaa shalay ka dhacay Qarax lagu beesaday ciidamada gumaysiga ee Uganda.
Qaraxan ayaa bar-tilmaameedkiisu ahaa kolonyo ciidamo Ugandhiis ah oo ku socdaalayay afaafka hore ee deggaanka Buufow.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan qaraxaasi ay ku bakhtiyeen 4 askari oo Ugaandhiis ah oo ay ku jireen 2 sarkaal oo miino-baadhayaal ah.
Sidoo kale qaraxaasi oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 askri oo Yugaandhiis ah iyo gubashada gaadhi Taw ah.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala isla gobolkan Sh. Hoose waxay shalay qarax culus la beegsadeen askar lugaynaysay oo Yugaandhiis ah.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi oo ahaa mid aad u culus, jugtiisana laga maqlayay meelo kala duwan uu ku bakhtiyey 1 askari oo Yugaandhiis ah.
Aynu u gudubno gobolka Baay, oo shalay uu ka dhacay dagaal toos ah oo lagu qaaday xero ay deggen yihiin ciidanka xabashida Itoobiya.
Dagaalkan oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada xabashida ee degmada Bardaale, ayaa waxaa ku bakhtiyey 3 askri oo Itoobiyaan ah, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya waxaanu faahfaahin dheeraada ka helnay dagaallo shalay loogu awood-sheegtay ciidanka DF-ka Soomaaliya.
Dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab cagta ku mariyeen maleeshiyaadka dawladda ayaa shalay ka dhacay deggaanka Masagawaay.
Isla markii dagaalku bilawdayba waxay dagaalyahannada Al-Shabaab muquuniyeen oo ay la wareegeen goobihii maleeshiyaadka dawladda federaalka.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in 6 askari oo ka tisan maleeshiyaadka dawladda lagu dilay dagaalkaasi, waxaanan magacyadooda helnay 5 ka mida oo kala ah Shuceeb Xusseen Cumar, Tahliil Maxamad Yuusuf (Gomey), Maxamad Cali Wehliye, Muuse Maxamad Gacal iyo Cali khaliif Abuukar.
Xogo dheeraada oo aanu helnay ayaa waxa kaloo ay sheegayaan in xoogagga Al-Shabaab ay dagaalkaasi kusoo furteen hub isugu jira 1 qori Bkm ah, iyo 3 qori oo Ak-47 ah.
Haddii aynu milicsano dhanka gobolka Gaarisa oo ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa ka dhacay dagaallo culus oo lagu naafeeyey ciidamada Kenya.
Dagaal culus ayay xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Kenya ee deggaanka Kiwaanga ee hoos-taga degmada Faafi.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkaasi khasaare culus lagu gaadhsiiyey ciidamada Kenya, walow aanaan helin faahfaahin dheeriya.
Sidoo kale waxaanu xog cusub ka helnay dagaal maalmo ka hor xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka millateriga Kenya ee deggaanka Eegeey ee hoos-taga Dhadhaab.
Khasaaraha gaadhay ciidamada Kenya ayaa isugu jira 1 askari oo bakhtiyey, 3 kale oo dhaawac ah iyo waliba labo Teendho oo gudaha xerada uga dhisnaa una taallay sahay-ciidan oo gabi ahaanba shuf-beellay.
Weerarradan joogtada ah ayay xoogagga Al-Shabaab si weyn ugu dhiig-bixiyeen ciidamada gumaysiga Afrikaanta iyo daba-dhilifyada u adeegga ee Soomaalida.