Dagaal culus oo maanta ka dhacay deggaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayay wararku sheegayaan in khasaare culus lagu gaadhsiiyey ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya.
8 askari ayaa laga dilay ciidanka dawladda, waxa kale oo laga dhaawacay 15 askari. Waxaana goobtii lagu dagaallamay ku sugan oo jooga xoogagga Al-Shabaab.
Sida ay wararku tibaaxayaan weerarka waxaa lahaa oo marka hore qaaday ciidanka dawladda, balse jab xooggan ayaa gaadhay, waxaana la jabiyey tiraba 5 jeer.
Dagaalkan ayaa ku biiraya hawl-gallada aan kala joogsiga lahayn ee ka socda bariga Afrika laguna dhiig-bixinayo soo-duulayaasha afrikaanta ATMIS iyo daba-dhilifyadooda Soomaalida.