Ismaamulka Axmaarada ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya, waxaa ka soconaya iska hor'imaadyo culus oo u dhaxeeya ciidamada millatariga dowladda xabashida iyo maleeshiyada jabhadda mucaaradka ah ee Fano.
Jabhadda Fano waxay sheegtay inay ka hor tagtay oo ay fashilisay duullaan cusub oo uu taliska Abiy Axmed kaga dhawaaqay ismaamulka Amhara, kaasi oo ujeedka ugu wayn ee laga lahaa uu yahay in lagu wiiqo awoodda Fano oo dhul badan ka fara maroojisay ciidamada millatariga.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ee taabacsan jabhada kacdoonka kula jirta nidaamka Abiy ayaa muujinayay, ciidamo fara badan oo millatariga ka tirsan oo ay gacanta ku dhigeen maleeshiyada jabhadda xoraynta dadka Axmaarada ee Fano loo yaqaan.
Kooxda Fano waxay sheegtay in inka badan 50 askari oo ka mid ah ciidamadaasi ay ku qabatay Tillil Gojjam, kadib markii ay hareereeyeen xeradooda, taasi oo keentay in ciidamadu is dhiibaan oo ay gacanta u galaan maleeshiyaadkii loo soo diray inay burburiyaan.
Muuqaallada ayaa muujinayay guuldarrada ku habsatay ciidanka Abiy Axmed usoo diray duullaanka cusub ee ka dhanka ah maleeshiyada mucaaradka ee Fano, askar niyad jabsan oo madaxa foorarinaya ayaa lagu arkayaa muuqaallada ay faafiyeen mucaaradka dagaalka kula jira xukuumadda Addis-ababa.
Muuqaallo kale oo internet-ka lagu faafiyay ayaa muujinaya ciidamo fara badan oo gacanta usoo galay Fano, waxay na jabhadu sheegtay in arrimahaasi ay yihiin kuwa ka tarjumaya sida uu fashilmay guluf dagaaleedka cusub ee maalmo ka hor lagu soo qaaday.
Iska hor’imaadyadan boqollaalka askari looga qabtay ciidamada millatariga Itoobiya, ayaa kusoo beegmaya xilli 2 maalmood ka hor ay maleeshiyada Fano ee Axmaarada ah la wareegeen gacan ku haynta magaaladada istaraatiijiga ah ee Balchi Shewa oo qiyaastii 38 mayl u jirta caasimadda Addis-ababa.