Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus kula jarmaaday maleeshiyaadka dawladda ee ku sugan deggaanka Massagawaay ee gobolka Galgaduud.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in jihaadiyiintu ay muquuniyeen maleeshiyaadka dawladda oo isla markiiba ay kala wareegeen deggaankii ay joogeen ee Masagawaay.
Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la jabiyey ayaa lagu dilay dagaalkaasi, waxaana laga dhaawacay kuwo kale oo tirakoobkooda aanaan weli xaqiijin.
Dhanka gobolka Shabeellaha hoose, waxaa saacadihii u dambeeyey ka dhacay weerar dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsadeen ciidanka gumaysiga Uganda.
Weerar dhabbo-gal ah iyo Laba qarax ayaa lala beegsaday Kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deggaannada Shalambood iyo Danow.
Khasaare kala duwan ayaa weerarkaasi lagu gaadhsiiyey gaadhay ciidamada Uganda, balse weli ma aanaan helin faahfaahin dheeriya.