Shirkadda duullimaadyada diyaaradaha Kenya oo ku dhawaaqday inay joojinayso dhammaan safarradeedii Soomaaliya

Thursday October 10, 2024 - 11:03:07
Liibaan Jeexoow
War ramis ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadda diyaaradaha Kenya ku imaan jirtay dalka Soomaaliya.
Madaxa Hay'adda diyaaradah rayidka ee Kenya ayaa warsaxaafadeed uu ku ogeysiiyay wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaadiidka iyo safiirka Kenya ee Soomaaliya wuxuu ku sheegay in gebi ahaanba ay xukuumadda Nairobi laashay duullimaadyadii ay diyaaradaheedu ku tegi jireen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kenya waxay sheegtay in ay ku han-weyneed baahinta shaqadeeda duulimaadyada soomaaliya balse ay taas suurtagal noqon waysay sababa laxiriira caqabadaha ganacsi ee soo wajahay.

Xukuumadda kenya ayaa sababta ay u joojisay duulimaadyadeeda Soomaaliya ku sheegtay caqabado shaqo iyo danta diyaaradaha Kenya, inkastoo ay shirkadda duulimaadyada Kenya ee ay dowladdu gacanta ku hayso ay joojinayso safaradeeda soomaaliya laga billaabo 14 October 2024 hadana tobanaan ka mid ah diyaaradaha Kenya ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa maalin walba maandooriyaha Qaatka kasoo dejiya inta badan magaalooyinka Soomaaliya.

Maandooriyaha Qaat-ka Kenya oo Xasan Gurguurte uu taageero weyn siiyay ayaa il dhaqaale u ah beerraleyda Kenya halka uu halis caafimaad iyo burbur dhaqaale ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences