Madaxweynaha dalka Iiraan Mascuud Beseshkiyaan ayaa safar ugu kicitimey magaalada Dawxa ee Caasimadda u ah dalka Qadar sida ay ku warramayso saxaafaddu.
Safarkan madaxweynaha Iiraan waxa uu imanayaa maalin ka dib markii Iiraan gantaalo /sawaariikh ku weerartey maamulka Yuhuudda.
Iiraan waxa ay sheegtay in uu weerarkani jawaab u yahay dilkii hoggaamiyihii hore ee Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo sidoo kale dilkii Xasan Nasrullah iyo tiro kale oo Iiraaniyiin ah ama taabacsan siyaasadda Iiraan oo ay Yuhuuddu beegsatey.
Dhanka kale Reysal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku gooddiyey in Iiraan ay qaadi doonto mas’uuliyadda waxa uu ugu yeeray ‘khaladka weyn’ ee dalkiisa lagu weerarey.
Mascuud Beseshkiyaan oo beddelay Ibraahiim Ra’iisi ayaa lagu sheegaa in uu yahay nin qunyar socod ah halka madaxweynihii ka horreeyay uu ahaa mid ‘mayal adag’. Ra’iisi waxa uu ku dhintey shil diyaaradeed bishii May ee ina dhaaftey.