Waa su'aasha ugu weyn ee ay tahay in la is waydiiyo, sababta keentay in ciidamada Yuhuuddu si dhaqsa ah u dabar-gooyaan hoggaankii milatari iyo midkii siyaasadeed ururka Xisbullah ee ka dhisan wadanka Lubnaan.
Waxaa lagu tilmaamay inay tahay markii ugu horeysey taariikhda ee koox dagaalamaysa laga dilo dhamaan hogaamiyeyaasheedii muddo hal isbuuc ah.
Weerarkii ugu dambeeyay oo ay shalay galab Yuhuuddu ka geysatay duleedka caasimada wadanka Lubnaan ee Beirut ayay waxay ku dileen Xassan Nasrallah oo ahaa hogaamiyihii mudada dheer soo maamulayay ururka.
Waxaa ka sii horeeyay in Yuhuuddu dishay 17 kamid ah hogaamiyeyaashii milatariga oo ay ku jiraan Taliyihii guud ee ciidamada Xisbullah, Fu'ad Shukr, Taliyihii waaxda gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Maxamad Saruur "Abu Saalax”, iyo taliyihii guutada Ridwaan, Ibraahim Caqiil.

Hadaba maxaa la is dhihi karaa way u fududeysay Yuhuudda inay dilaan dhamaan saraakiishii ugu sareysey ururka Xisbullah? Waxaan ku soo koobi karnaa Laba arrimood:
1-Is dhigasho dhanka ammaanka ah.
Xisbullah waa urur kamid ah garabyada Iran ee ku kala baahsan qaybo kamid ah wadamada caalamka Islaamka, sida Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Lubnaan oo ah saldhigga ugu weyn ee ururka. Wixii ka dambeeyay sanadkii 2006, xilligaas oo uu dhacay dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Yuhuudda iyo Xisbullah, wuxuu ururku guulo ka gaaray sare u qaadista awooddiisa dhanka ciidamada, isagoo dhisay ciidan lagu qiyaasay ilaa afartan kun (40,000) oo dagaalyahan. Ururka ayaa, isagoo gacan ka helaya Iran, sare u qaaday awoodda dhanka hubka ee uu haysto isagoo lagu sheegay in kaydadka hubkiisa ay ku jiraan in ka badan boqol iyo konton kun (150,000) oo gantaalaha meelaha fog wax ka dila ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay qaarna wax duqeeyaan, qaarna wax basaasaan. Ururka ayaa sidoo kale faragelin ku sameeyay wadanka Suuriya halkaas oo isagoo ka garab dagaalamaya ciidamada Bashaar Al Asad ay ciidamadiisu xasuuq iyo gumaad bahalnimo ah kula kaceen Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah ee Suuriya, qabsadeena magaalooyin ay ka barakiciyeen dadkii Sunniga ahaa ee deganaa.
Dhanka kale, ururka ayaa ka mashquulay ammaanka xubnihiisa, maadaama ay isku arkayeen inay qayb ka noqdeen isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada oo loola jeedo Muslimiinta Sunniga ah, arinkaas oo Yuhuudda u fududeeyay inay si sahal ah ku dhex galaan safuufta ururka kuna dhex samaystaan jawaasiis kartidoodu gaarsiisantahay inay la wadaagaan xogaha masuuliyiinta ugu sareysa ururka, saraakiishiisa ciidan, kaydadka hubka iyo xitaa qalabka isgaarsiinta ee u gaarka ah ururka. Tallaabadaas waxay keentay in koox-koox iyo hal-hal loo laayo masuuliyiinta ururka, kuwaas oo intooda badan lagu beegsaday kulamo ay ku lahaayeen dhismayaal dhulka hoostiisa ah. Halkaas marka ay marayso, waxaa muhiim ah in la ogaado halista ay jawaasiistu ku leeyihiin sufuufta kooxaha dagaalamaya, urur walba oo aanan arinkaas ka feejignaanina waxay dharbaaxadaan ku dhacday Xisbullah u noqonaysaa gambaleel muujinaya halista ku soo wajahan.
2-Isku hallaynta ballan-qaadyada reer galbeedka:
Laga soo billaabo markii uu dhamaaday dagaalkii 2006, waxaa jiray hishiisyo ay kala saxiixdeen Yuhuudda iyo ururka Xisbullah, kuwaas oo loogu kala gar-qaaday, lana dhex-dhigay nooc Isfahan ah. Wadamo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Faransiiska ayaa u kala dabqaadayay labada dhinac, sheegayayna inay ku dadaalayaan sidii uusan mar kale usoo laaban lahayn dagaalkii 2006 oo kale.
Mar mar way dhici jirtay inay duqaymo kooban oo madaafiic ah is waydaarsadaan, balse marna ma dhicin dagaal la isku soo bannaan baxay, waana sababta keentay in ururku awoodda ciidankiisa u weeciyo dhinaca Suuriya.
Hase yeeshee markii ay billaabatay duufaantii Al-Aqsa ee uu ururka Xamaas ee Gaza ku qaaday Yuhuudda, wuxuu ururka Xisbullah ku dhaqaaqay tallaabo ay qasab ku ahayd inuu qaado taas oo ah inuu dhankiisa ka billaabo weeraro ka dhan ah Yuhuudda, maadaama sababta ugu weyn ee uu sheegto inuu u dhisanyahay, ciidanka, dhaqaalaha iyo sharciyadana ku raadsado ay tahay la dagaalanka Yuhuudda iyo u hiilinta shacabka Falastiin.
Xisbullah ayaa dagaalkiisa ku koobay duqaymo madaafiic ah oo intooda badan aanan khasaare nafeed oo weyn u gaysanaynin Yuhuudda, si uu dhinacna iskugu muujiyo inuu Falastiin u hiilinayo, dhan kalena iskaga ilaaliyo inuu Yuhuudda xanuujiyo, si aysan jawaab adag oo midda ay Gaza ka sameeyeen oo kale ah uga samaynin Lubnaan.
Aragtidaas waxaa Xisbullah ku sii dhiirageliyay dawladaha iyo ururada reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, Faransiiska, midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo mar walba ku celcelin jiray inay u kala dab-qaadayaan Yuhuudda iyo ururka si uusan dagaalku ugu sii faafin Lubnaan iyo meelo kasii fog. Khiyaanada halkaas ku jirtay ayaa ahayd in Xisbullah lasii maaweeliyo ilaa ay Yuhuuddu ka soo dhamaanayso Gaza, una soo fara-banaanaanayso Lubnaan.
Sarkaal Yuhuudi ah oo la hadlay wargeyska Haaretz ayaa u sheegay in haddii ay dagaalyahanada Xisbullah weerar lamid ah midkii duufaanta Al-Aqsa ku qaadi lahaayeen dhulka Yuhuudda aysan ciidamadoodu awood u heli lahayn hakintooda ilaa laga gaaro magaalada Xayfaa oo qiyaastii 26 mayl koonfur ka xigta xudduudda Lubnaan. Khiyaanadaas sidii ay reer galbeedku u qorsheeyeen ayuu u dhacay, waxayna Yuhuuddu markii ay Gaza ka soo dhamaadeen mar qura weerar dhan walba ah ku soo qaaday ururka oo ku jiifay nabadoonimadii been-beenta ahayd ee reer galbeedka. Waxay Yuhuuddu sidaas qaab gaadmo ah dhulka kaga hoosmariyeen madaxdii ugu waaweyneed ururka, uuna ku jiro hogaamiyihii ugu weynaa ee Xassan Nasrallah.

Ugu dambayn, waxaa la isku wada raacsanyahay in dharbaaxada ku dhacday Xisbullah ay tahay mid aanan hore usoo marin ururada dagaalama, balse su’aashu waxay tahay, maxay Iran samayn doontaa mar hadii sidaas loo galay ururkii ugu awoodda badnaa ee kamidka ahaa garbaheeda istiraatiijiga ah? Dagaalka ma soo geli doontaa si ay u badbaadiso wixii ka haray dagaalyahanada ururka iyo hubkooda, mase indhaha ayay ka daawan doontaa oo hadallo afka baarkiisa ah ayay ku gaabsan doontaa? Ma awoodi doonaa ururku inuu ka soo kabsado dhibaatadii ku dhacday, yaase u haray oo hogaanka ururka la wareegi doona maadaama la xasuuqay masuuliyiintii ururka soo hogaaminaysay mudadii 42-ka sano ee uu dhisnaa?