"Moxogga waan ka jabay, il waan beellay…" Mid ka mida maxaabiistii Al-Shabaab kasoo furteen xabsigii maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Wednesday October 16, 2024 - 12:40:10
Liibaan Jeexoow
Farxad iyo damaashaad ayaa lagu soo dhaweeyey kadib markii ay dib ula midoobeen ehelladoodii ay muddada badan ka maqnaayeen maxaabiistii dhawaan dagaalyahannada Al-Shabaab kasoo furteen xabsi maleeshiyaadka Axmed-madoobe ku lahaayeen deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaallada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Masuuliyiinta Xarakada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada hoose ayaa maxaabiistan ku wareejiyey ehelladooda. Waxaana halkaasi ka dhacday mahad-naq ballaadhan oo loo jeediyey raggii hawshan dhabarka u ritay ee Allaah sabab uga dhigay inay kasoo furtaan cadawgii hororka ahaa ee xabsiga ku hayay kuna ciqaabi jiray muddada badan.

Mid ka mida maxaabiistii lasoo daayay ayaa ka hadlay qaabkii loo xidhay iyo dhibtii loogu geystay jeelka dhexdiisa waxaanu yidhi "Shaqadaydu waxay ahayd Beero iy Riyo yar oo aan iska raacdo, gurigaygaanay iga qabteen, waxaanay igu eedeeyeen inaan Al-Shabaab ahay, habeen kasta markuu qaadku ka dhammaado ayay jidh-dil iyo ceejin igu samayn jireen”

Maxbuuskani oo hadalkiisa sii wata ayuu intaa sii raaciyey isagoo tilmaamaya hagardaamadii loo geystay intii uu xidhnaa "Madaxa waa la iga garaacay, dhabarka waa la iga garaacay, Moxogga waan ka jabay, il waan beellay…”

Sidoo kale Maxbuuskani isagoo inoo sawiraya muuqaalka xaalkii uu ku sugnaa wax yar ka hor intii aanay dagaalyahannada Al-Shabaab albaabka ka jabin ayaa waxa uu yidhi "Anoo yaabban oo aan isleeyahay caawa waa lagu dilayaa oo xaarkii, kaadidii iyo mataggii xabsiga dhex aalla, ayay Al-Shabaab meesha timi”

Maxbuus kale oo ka mid ahaa maxaabiistii laga soo furtay Xabsiga ayaa sheegay in isagoo la jibaadaya jidh-dilkii loo geystay ay mar kaliya ku baraarugeen rag gurmad u ah waxaana erayadiisii ka mida ahaa "Anagoo meesha iskaga jirna oo dayacan, oo wax dambiya oo aanu samaynay aanay jirin, oo ninka meesha guddoomiyaha ka ahaa isaga kaaya cayaarayo ayuu Muslimiinta Ilaahay cirka nooga soo riday, xarakada kor Alle haka yeello”.

"Ragga qaar ayaa farxad la ooyay, waxaan filanaynay may ahayn, raggan nasoo furtayna waxaan ku sifayn karaa uun inay ahaayeen Junuud Ilaahay noo soo diray, markaa waa alxamdulillaah” ayuu hadalkiisa kusii ladhay ninkan oo ka mid ahaa maxaabiistii jeelka laga soo furtay.

Dagaalka lagu soo furtay maxaabiistan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada isugu jiray ayaa dhacay Isniintii lasoo dhaafay. Waxaana maleeshiyaadka Axmed-madoobe lagaga dilay 6 askari, halka 11 kalena laga dhaawacay. Iyagoo dagaalkaasi qaybo ka mida hubkoodii lagaga furtay.

Waxa kale oo xoogagga Al-Shabaab markii ay la wareegeen deggaanka Buulo Xaaji dhulka la simeen oo ay burburiyeen saldhiggii ciidanka Axmed Madoobe. Waxaanay ku roondeeyeen guud ahaan dhulkii laga caydhiyey ciidankaasi.

Related Items

Update cookies preferences