Malaayiin qof oo ku dhaqan daafaha dunida ayaa qabta howllo culus, shaqooyinka adag ayaa ah kuwa ugu lacagta badan balse waxaa ku xeeran khataro buuro ah.
Sida ku cad tirakoobyo ay sameeyeen shabakado ka faallooda arrimaha dhaqaalaha, qaaradda Afrika ayaa ah midda ugu hoosaysa dhanka qiimaha ee shaqaalaha dhismaha.
Sawirkan idiin muuqda wuxuu ka hadlaya celceliska mushaarka saacaddii ee shaqaalaha dhismaha ee dalal kala duwan oo caalamka ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in mushaarka shaqaaluhu uu kordhay boqolkiiba 4.6 sanadkii la soo dhaafay.
Qiimaha mushaarka saacaddii dalalkana waa sida soo socota:
Waqooyiga Ameerika: 75 doolar
Yurub: 69 doolar
Australia iyo New Zealand: 59 doolar
Boqortooyada Ingiriiska:49 doolar
Asia:13 doolar
Latin America: 5.6 doolar
Afrika:3.5 doolar
Bariga Dhexe: 7 doolar
Qoraalka hoose wuxuu sheegaya in xogta laga soo qaatay sahanka suuqyada dhismaha ee caalamiga ah ee Turner & Townsend sanadkii 2024.
Fiiro gaar ah: Xogta Khaliijka iyo Bariga Dhexe waxay gaar u tahay magaalooyinka Riyadh, Jeddah, Doha, Dubai, iyo Abu Dhabi.