26 Askari oo Itoobiyan, Kenyan iyo Soomaali isugu jira oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday hawl-gallo dhacay saacadihii u dambeeyey

Thursday October 17, 2024 - 08:10:17
Liibaan Jeexoow
Wararka naga soo gaadhaya gobollada Baay, Bakool, Hiiraan iyo Fiinow oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa saacadihii u dambeeyey khasaare culus oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira lagu gaadhsiiyey ciidamada Xabashida Itoobiya, Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida.
Dagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa xalay qarax la beegsaday fadhiisin ay ciidanka maleeshiyaadka Soomaalidu ku leeyihiin Buundada Weyn ee magaallada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlayay goobo kala fog, ayay wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay 1 askari oo Boolis ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Gashiin.

Dhanka gobolka Bakool waxaa isna xalay ka dhacay dagaal xooggan oo saf ballaadhan ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga iyo fadhiisimaha maleeshiyaadka Soomaalida ee degmada Xudur.

Daryanka hubka culus ayaa laga maqlaayay aagaggaasi lagu miray maleeshiyaadka Soomaalida. Waxaanay sheegayaan ilo-wareedyadu in lagu dilay 1 Askari oo lagu magacaabi jiray Maxamed Saneey, laguna dhaawacay 7 askari oo kale.

Gobolka Baay, waxaa isna naga soo gaadhay in dagaal culus ay shalay galab jihaadiyiintu ku qaadeen xerada Askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Bardaale.

Dagaalkan oo ahaa mid Xabashida si weyn loogu xanuunjiyey, ayaa ilo-wareedyo aanu helnay sheegayaan in lagu dhaawacay 2 askari oo Itoobiyaan ah, isla markaana lagu gubay gaadhi Uuraal ah.

Isla saaka waxay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay saaka weerar culus kula jarmaadeen xerada ciidamada Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale isla gobolkan Baay, Jihaadiyiintu waxay xalay weerar culus ku mireen maleeshiyaatka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa deggan xerada Maaya Fuulka ee magaallada Baydhabo.

Dhanka kale waxaa isa soo taraaya wararka laga helayo khasaaraha ciidamada Kenya loogu geystay dagaal xogtiisii horu-dhaca ahayd aanu shalay idiin soo gudbinay.

Dagaalkan oo ahaa weerar dhabbo-gal ah ayaa ka dhacay duleedka deggaanka Fiinow oo hoos-taga degmada Lafeey ee Mandheera oo ka mida dhulka NFD ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Kolonyo ciidamo Kenyaan ah ayaa ku dhacay kamiin ay u dhigeen dagalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku bakhtiyey 5 askari oo Kenyaan ah oo ay ku jiraan Saraal iyo Dhakhtar, waxaana laga dhaawacay 10 askari oo kale.

Weerarradan ayaa kusoo aadaya iyadoo dagaal culus oo shalay galab ka dhacay deggaanka Gerile ee dhaca duleedka degmada Ceel-dheer lagu dilay 17 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, lagana dhaawacay 21 askari oo kale, sida ay shaacisay Xarakada Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences