Diblomaasi Itoobiyaan ah oo lagu amray in 72 saacadood gudahood kaga baxo dalka Soomaaliya.

Wednesday October 30, 2024 - 08:27:42
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shalay soo saartay warqad ay dalka kaga caydhinayso ku-xigeenka qunsulka safaaradda Itoobiya ee magaallada Muqdisho.
Warqaddan loo jaray diblomaasigan ayaa lagu amray in dalka uu kaga baxo 72 saacadood gudahood. Waxaana lagu eedeeyey in uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed.

Diblumaasigan oo jinsigiisu Soomaali yahay laguna magacaabo Cali Maxamed Aaden ayaa wararku sheegayaan inuu kasoo jeedo deggaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cali Maxamed Aaden ayaa dhanka kalena ahaa u qeybsanaha Itoobiya ee arrimaha Milateriga ee safaaradda Muqdisho.

Xurgufta siyaasadeed ee ka dhexeysa Villa Somaliya iyo Addis Ababa oo beryahanba cakirnayd ayaa la filayaa in tallaabadanna ay cirka kusii shareeri doonto.

Related Items

Update cookies preferences