Waxa soo baxaysa fadeexad sheegaysa in diyaaradda Xabashida ee Ethiopian Airline ay si qasab ah uga reebtay gabar Soomaaliyeed oo ku qornayd duullimaadka (ET308 Addis Ababa to Nairobi).
Waxa baraha bulshada qabsadey muuqaal la arkayey gabadha oo sheegaysa in nin wasiir ahi fariistey booskeedii/kursigeedii taas oo sababtey in gabadhu ka carooto.
Muuqaalkan oo uu duubey weriye Kenyaan ah oo lagu magacaabo Larry Madowo waxa uu bannaanka soo dhigey xaqiiqada cunsuriyadeed ee shirkadda Ethiopian Airline.
Qoraal ay barta Facebook ku baahisey shirkaddu waxa ay muuqaalkii ku sheegtay been abuur iyada oo isla markaana tibaaxdey in ay jireen 3 qof oo diwaangelintu ka buuxsantey halkaas oo laba kamid ah security-gu saareen.
Dad badan ayaa isweydiinayey sidee gabadhu kusoo fuushey diyaaradda oo ay uso dhaaftey protocol-ka(hab maamuuska diyaaradda) haddii aaney ku qorneyn ama uu dhacey waxa loo yaqaan(overbooking). Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaan lahayn diyaarad gaar u ah waddankooda oo ay raacaan.
Warsame Warfaa