Ganacsade Cabdullaahi Maxamed Carab, oo si weyn looga yaqaanay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa habeen hore lagu dilay gudaha gurigiisa.
Weerarkan oo si weyn looga argagaxay ayaa waxaa geystay maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha Bangaraafta, ee Maraykanku uu tababaray.
Dilkan foosha xun oo ay xaqiijiyeen ehellada ninkaasi, ayaa dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii Axadda ee lasoo dhaafay.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadku ay gudaha u galeen guriga, halkaasoo ay kala baxeen lacago ammaano ah iyo taleefannada gacanta, iyagoo ganacsadihiina ku khaarajiyey isla goobtaasi.
Xaaska ganacsadahaasi la dilay oo iyadoo murugaysan la hadashay warbaahinta ayaa xaqiijisay dhacdadan, waxaanay xustay in maleeshiyaadkaasi ay dilka geysteen kadibna ay qaateen lacago iyo taleefanno guriga yaallay.
Intii uu socday falkaasi xasuuqqa ah, diyaarado ay leedahay dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay dusha sare ka ilaalinayeen maleeshiyaadka Bangaraafta.
Ehellada iyo dadka deggaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay dil joogta ah ku hayaan dadka deggaanka iyagoo falal kan la mid ah horey uga geystay deggaanka.
Dilkan bahalnimada ah ee maleeshiyaadkan hoostaga Maraykanku ay ku beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah tacaddiyada xarkaha goostay ee isugu jira dilka, dhaca, boobka iyo barakacinta ay ku caanka baxday kooxda Xasa Gurguurte.