Markii ugu horreysay dowladda Uganda ayaa war kasoo saartay, hawl-gal isugu jiray naf-hur iyo dagaallo toos ah oo dhawaan ka dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, halkaas oo xoogagga Al-Shabaab ay ku beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo isugu jiray Ugandhiis iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka.
Afhayeen u hadlay Millatariga Uganda oo lagu magacaabo Felix Kulayigye ayaa waxa uu xaqiijiyay, in ugu yaraan 7 askari Dowladda Uganda looga dilay, weerarka ka dhacay gobalka Sh-hoose.
Shir jiraa'id oo uu qabtay ayuu Afhayeenkani ku sheegay, in khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray hawl-galkaasi naf-hurka ah uu yahay mid xanuun badan.
Waxa uu sidoo kale intaas ku daray, in ciidamada lagaga dilay weerarkaan ay qeyb ka ahaayeen askar Yugaandheys ah oo garab siinayay, maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya oo dhaqdhaaqyo ashahaado-la-dirirnimo ka waday duleedka degmada Afgooye.
Hawl-galladan oo dhacay bishan Dulxaj, ayaa lagu dilay 28 Yugaandhiis, halka lagu dhaawacay ku dhawaad 50 kale, iyadoo isla markaana lagu gubay 3 gaari oo 2 ka mid ah ay kala ahaayeen Taangi iyo Taw.
Dowladda Uganda oo inta badan qarisa khasaaraha askarteeda ku gaara dagaallada ay kaga jirto Soomaaliya ayaa mararka qaar qirata in askar lagaga dilo dagaallada, taas oo ay dadka qaar aaminsan yihiin iney ku timid cadaadis xukuumadda Kapmala kaga yimid shacabkeeda, kuwaas oo ay ka qarisay wiilashooda ku le'anaya duullaanka gardarrada ah ee ay ciidamada Uganda kaga jiraan dalkaan Soomaaliya.