Laba qof oo shacab ah oo booliska Somaliland ku dileen deegaanka Agabar ee degmada Gabiley.

Wednesday July 02, 2025 - 14:30:59
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobollada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in 2 qof ku dhinteen shaqaaqo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Agabar oo hoos yimaadda degmada Gabiley.
Iska hor imaad dhex marey dad shacab ah iyo ciidanka Booliska ayaa sababay dhimashada labadan ruux.

Dadka deegaanka oo ka hadlay arrintaas ayaa xukuumadda ugu baaqey in ay soo qabtaan askarta dilka geysatey.

Goob dahab laga qodayey ayaa la sheegay in dhibaatadani ka dhacdey. Shacabka deegaankaas ayaa bannaanbaxyo ka dhigay deegaanka taasi oo sababtey in askartu u adeegsadaan xabbado nool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shacabka dergaankaasi diiddan yihiin shirkad macdaneed oo rabta in ay deegannadaas ka qoddo dahab.

Related Items

Update cookies preferences