Xasan Gurguurte oo looga yeeray dalka Masar.

Sunday July 06, 2025 - 14:34:02
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta la rajaynayaa in uu safar ku tago magaalada Al Qaahira ee xarunta u ah dalka Masar.
Tan ayaa imanaysa xilli warar xog ogaal ahi sheegayaan in Al Siisi uu casuumaad rasmi ah u direy Xasan Sheekh.

Safarka Xasan ayaa noqonaya mid culaysyo siyaasadeed xambaarsan maaddaama oo uu dib u soo cusboonaadey khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Masar.

Masar ayaa doonaysa in go’doon siyaasadeed la saaro Itoobiya maaddaama oo ay wali waddo arrimihii biyo xireenka Niilka.

Geesta kale RW Itoobiya oo ka horyimid sida wararka qaar sheegayaan heshiisyadii Niilka ee Suudaan iyo Masar waxa aanu casuumaad usoo direy Xasan Sheekh taas oo uu ku doonayo in uu kala qayb galo xarig ka jarka biyo-xireenka Niilka.

Si kastaba ha ahaatee Xasan ayaa la kulmaya cadaadisyo siyaasadeed oo laba geesoodle ah. Dowladda Federaalka ayaa dhexda uga jira isdiiddooyin siyaasadeed oo aan dan u ahayn.

Related Items

Update cookies preferences