Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo weerar maalin ka hor ay ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen deegaan katirsan wilaayada Shabeellaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Dowladda Yugaandha ayaa xaqiijisay in askartii ku dhimatay qaraxii ka dhacay deegaanka Ceelwareegoow uu kamid ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Uganda ee loo yaqaan UPDF.
Afhayeenka ciidanka Uganda ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay Major Patrick Opio oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka ATMIS gaar ahaan soo duulayaasha Uganda.
Sarkaalkan halaagsamay ayay wada dhasheen Richard Todwong oo isna kamid ah saraakiisha sarsare ee ciidanka Uganda ee duullaanka gardadda ah ku jooga Soomaaliya.
"Patrick Opio wuxuu ahaa dagaalyahan adag oo u dagaallamayay qaaradda afrika" waxaa sidaas yiri Deo Akiiki oo u hadlay ciidanka UPDF ee dowladda Uganda.
Xukuumadda Kampala waxay warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in Patrick Opio ladilay subaxnimadii Axadda oo ku beegneed todobadii bishan July kadib markii qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid Lojiistika ah oo maraysay deegaanka Ceelwareegoow.
Gaashaanllahan halaagsamay markii hore waxaa soo gaaray dhaawac balse goordambe ayuu udhintay dhaawacaas waxaana ladaawacmay illaa 7 askari.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Patrick Opio uu katirsanaa guutada ciidanka dhulka Uganda qeybta gaadiidka wuxuuna sidoo kale ka shaqeyn jiray qeybta gudbinta sahayda ciidamada.
Warbaahinta Uganda ayaa faafisay in jeneraalkan ku baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin uu kasoo howlgalay dalalka Jamhuuriyadaha Afrikada dhexe iyo Koongada Dimuquraadiga ah.
Sawirro lagu faafiyay wargeysyada Uganda waxaa kasoo muuuqanayay sarkaalka halaagsamay oo ku sugan deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada soo duulayaasha Uganda ee qeybta ah isbahaysiga ATMIS.
Dhinaca kale warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyay in sarkaal katirsan ciidanka Uganda uu ku dhintay qaraxa Ceelwareegoow halka 6 kale ay dhaawacyo soo gaareen.