Durbaanka colaadda ayaa markale laga tumayaan deegaannada xuduudda ku teedsan ee udhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Ereteriya waxaana soo baxaya warar sheegaya in dhinacyadu qarka usaaranyihiin dagaal lagu hoobto.
Wararka ka imaanaya Xuduudda ayaa sheegaya in dowladda Ereteriya ay kumanaan askari oo dheeraad ah ku daad guraysay deegaannada xuduudda dhaca, shabakadda Rasad ee diiradda saarta arrimaha gudaha Ereteriya ayaa soo werisay in taliska ciidanka xukuumadda Asmara uu ciidamadii ugu badnaa udaad gureeyay jiidaha dagaalka.
"Ciidanka Ereteriya ayaa xoojiyay joogitaankiisa xuduudda,gaadiid gaashaaman iyo ciidamo lugeynaya ayaa la arkayay iyagoo xuduudda kusii qulqulaya tallaabadan oo umuuqata mid hurinaysa colaadda kala dhaxaysa Itoobiya" ayaa lagu daabacay Shabakadda Rasad ee diiradda saarta arrimaha Ereteriya.
Isbuucii lasoo dhaafay ayuu Asiyaas Afawarki madaxweynaha Ereteriya ku eedeeyay dhigiisa Itoobiya in uu wado diyaar garoow dagaal wuxuuna ku goodiyay tallaab melleteri haddii dalkiisa lasoo weeraro.