Dawladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in maalmahan u dambeeyey ay dardar xooggan gelisay abaabul dagaal, kadib markii ay bilowday inay hubkeeda culus u rarto dhinaca xuduudda bari ee ay la wadaagto dalka Eretariya, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa labada dal.
Warbaahinta Ethiopian Media Services ayaa sheegtay in hub culus iyo weliba ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay ku wajahan yihiin soohdinta Eretariya, gaar ahaan dhinaca u dhow magaalada dekedda ah ee Casab.
Gawaarida waaweyn iyo kuwa xamuulka ah oo sida taangiyo, madaafiic iyo hub kale oo culus ayaa lagu soo warramaya in maalmihii lasoo dhaafay la arkay iyagoo kolonyo ah oo u sii jeeda jiidda hore ee saaran xuduudda xigta dhinaca magaalada Cassab sida ay baahisay Ethiopian Media Services.
Dhaqdhaqaaqan ay bilaabeen ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa xoojinaya saadaasha dagaal culus oo dhiig badani ku daato oo mar kale dib uga dhex qarxa labadaasi dal, isagoo madaxweynaha Eretariyana uu dhawaan ka digay dagaal ka dhan ah dalkiisa oo uu sheegay in Itoobiya ay isku diyaarinayso.
Isaias Afwerki waxa uu shaaca ka qaaday in hurinta colaaddan ay Itoobiya ku barbar taagan yihiin afar dal oo kala ah Imaaraadka Carabta, Yahuudda, Faransiiska iyo Maraykanka, isla markaana nidaamka Addis Ababa lasoo gaarsiiyey hub casriya.