Wasiir ka tirsan xukuumadda Gurguurte oo ku cataabay in taageerada ay ka helaan caalamka aysan ka hor istaagin is fidinta Al-Shabaab.

Monday July 28, 2025 - 18:40:54
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysan sheegtay in ay yaraatay taageeradii ay ka helaysay dowladaha shisheeye ee qeybta ka ah duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Mas'uul sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Villa Somalia ayaa sheegay in dagaalka culus ee ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab uu halis weyn ku yahay xukuumadooda isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo waxtar la'aanta taageerada ay ka helaan waxa loogu yeero beesha caalamka.

Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda kana mid ah gacan yarayaasha Xasan Gurguurte ayaa usheegay wargeys laga leeyahay wadanka Qadar in dowladdiisu ay weeraro isdaba joog ah kala kulmayso wax uu ugu yeeray Argagaxisada ugu awoodda badan qaaradda Afrika oo uu ula jeedo Xarakada Al Shabaab.

"Waxaan dagaal caalami ah kula jirnaa Argagaxiso sidaas oo ay tahay sidii loo baahnaa uma helno taageerada saaxiibada caalamiga ah" ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda DF-ka Soomaaliya.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay baaqyada kasoo yeeraya diblumaasiyiin iyo falanqeeyaal reer galbeed ah kuwaas oo soo jeedinaya in Mareykanka iyo xulufadiisu ay soo afjaraan dagaalka waqtiga dheer qaatay ee ka socda Soomaaliya isagoo muujiyay in aan marnaba dagaalka lagusoo gaba gabeyn karin wadahadal.

Hadalka kasoo yeeray wasiirkan katirsan DF-ka ee uu uga cabanayo in taageerada ay ka helaaan dowlado ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga aysan waxba utarin ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences