Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya weerar dhabbo-gal ah oo jihaadiyiintu ka fuliyeen agagaarka Birta dheer ee duleedka magaalada Kismaayo.
Kamiinkan oo loo dhigay maleeshiyaadka Axmed-madoobe, ayay warar tibaaxayaan in uu geystay khasaare kala duwan.
Sidoo kale shalay waxaa isla deggaankan ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab la beegsadeen maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan oo lug ah la qarxiyey, halkaas oo uu ku dhintay askari Miino-baare ahaa oo magaciisa lagu sheegay Sugow.