Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya dagaal culus oo goor dhawayd dib uga bilawday duleedka degmada Balad Xaawo, gaar ahaan xero UK oo ay deggen yihiin maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labada maleeshiyo ee kala taabacsan Xasan Gurguurte iyo Axmed Madoobe, waxaana daryanka hubka culus ee ay isweydaarsanayaan laga maqlayaa magaalada Balad Xaawo iyo weliba magaalada Mandheera ee xigta dhinaca xuduud-beenaadka Kenya.
Waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta, iyadoo sidoo kalena wararku tibaaxayaan in la jaray isgaarsiin ay Kenya leedahay oo maalmahan laga isticmaalayay magaalada Balad Xaawo.
Dagaalku waa uu socdaa, waxaanu imanayaa iyadoo maalmihii u dambaysay, gaar ahaan maalintii shalay uu ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalladan ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Jubaland ay weerar ku qaadeen xero Uk ee fariisinka u ah maleeshiyaadka taabacsan kooxda Villa Somaliya ee uu wato Cabdirashiid Janan oo kooxdaasi usoo magacowday dhawaan taliyaha NISA ee Gedo.
Dagaalka shalay ayaa lagu soo waramayaa in markii danbe uu sii xoogeystay kuna fiday qeybo ka mid ah gudaha magaalada Baladxaawo, kadib markii lasoo jabiyey maleeshiyaadka Jubbaland.
Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, kaas oo soo kala gaaray maleeshiyaatkii dagaalamayay.
Cisbitaalka magaalada ayaa la geeyey qaar ka mid ah dhaawacyada maleeshiyaadka, iyo sidoo kale dad shacab ah oo ku dhaawacmay hubkii labada dhinac ay isku adeegsanayeen.
Waa maalintii 4aad ee dagaal ka socdo degmada Balad Xaawo, iyadoo xalayna uu dagaal culus ka qarxay degmada Doolow ee isla gobolka Gedo, kaas oo maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo kaashanaya ciidanka Xabashida ay cagta mariyeen maleeshiyaadka taabacsan kooxda Gurguurte ee ku sugnaa degmadaasi.