Cirro oo Maraykanka siinaya saldhig millateri & macdanta qaaliga ah ee waddanka.

Wednesday July 30, 2025 - 16:07:33
Liibaan Jeexoow
Maamulka gooni-goosadka ah ee la baxay Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan isu diyaariyey sidii uu Maraykanka u siin lahaa saldhig militari oo ku yaalla Berbera isla markaana ula geli lahaa heshiisyo ku saabsan macdanta muhiimka ah, isagoo ku raadinaya in loo aqoonsado dal madax bannaan.
Bloomberg oo ka mida warbaahinta ugu saamaynta badan dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay arrintan, waxaanay warbixin ay ka diyaarisay ku sheegtay in C/Raxmaan-Cirro oo ah madaxa maamulka Somaliland uu Washington ka wado ol’ole uu ku doonayo in lagu taageero aqoonsi-raadinta gobolkan.

Warbixintu waxay xustay in tallaabadani ay qayb ka tahay loolan ballaaran oo dulucdiisu tahay in lagu soo jiito dareenka Donald Trump, xilli uu Maraykanku kula tartamayo Shiinaha kheyraadka istiraatiijiga ah ee qaaradda Afrika.

Cirro waxa uu sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka ay ujeedadoodu ahayd in la helo iskaashi cusub oo dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ah iyo sidoo kale la-dagaallanka wax uu ugu yeeray argagixisada.

Warbixintan Bloomberg waxay ka dhawaajisay in maamulka Somaliland uu u soo bandhigay Maraykanka macdan muhiim ah iyo saldhig millateri. Waxaanu Cirro oo waraysi bixiyey isniintii lasoo dhaafay uu yiri "Waxaan ka wada hadalnay qaababka aan isaga kaashan karno amniga, ganacsiga, iyo xasiloonida gobolka,".

Warbaahinta Bloomberg waxay xustay in madaxweynaha Somaliland uu sidoo kale ka sanqariyey in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya uu bilihii lasoo dhaafay dhowr jeer booqday Somaliland, halka saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykankuna ay yimaadeen bishii Diseembar.

Wargeyska Bloomberg waxa uu warbixintiisan ku sheegay in codsiyo ku saabsan faahfaahinta arrintan ay u direen Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka balse ay ka gaabsatay oo aanay kasoo jawaabin.

Somaliland oo ku taalla goob istaraatiiji ah ayay tiri warbixintu wuxuu aqoonsigeedu xoojin lahaa saamaynta Maraykanka ee gobolkan muhiimka ah, halkaas oo Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameedsadaan maraakiibta xiriirka la leh Yahuudda, Maraykanka iyo dalalka kale ee taageersan xasuuqa lagu hayo muslimiinta Qaza.

Warbixinta oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri Imaaraadka Carabta, oo xulufo dhow la ah Maraykanka, ayaa horeyba u maamulayay dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, wuxuuna sidoo kale gacanta ku hayaa garoon diyaaradeed oo u dhow oo ay adeegsadaan diyaaradaha militariga.

Inkastoo safiirka Maraykanka Richard Riley iyo saraakiil kale ay la kulmeen Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo Somaliland ah, haddana Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaysan wada-hadallo kula jirin wakiillada Somaliland oo ku saabsan heshiis lagu aqoonsanayo maamulkaasi, sida uu wargeysku ka dhawaajiyey.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Maraykanku uu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ay ku jirto Somaliland, waxayna ku celisay mowqifka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan wuxuu sheegay inkastoo aqoonsiga dawladnimo uu weli yahay yool, haddana waddada lagu gaari karo ay ugu horreyn tahay iyadoo lala kaashado beesha caalamka dhinacyada amniga, ganacsiga, la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, burcad-badeedda, iyo socdaalka sharci-darrada ah.

"Haddii Maraykanku uu danaynayo inuu saldhiga ka samaysto Somaliland si diirran ayaa loo soo dhaweynayaa," ayuu yiri Cabdiraxmaan, isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay Maraykanka siiyaan heshiisyo ku saabsan macdanta muhiimka ah sida lithium-ka.

Warbaahinta Bloomberg waxay sheegtay in Somaliland aanay wakhti xaadirkan soo saarin Lithium-ka, inkastoo ay horey shati u siisay shirkadda Kilomass Co. ee fadhigeedu yahay Sacuudiga, si ay u sahamiso Kaydka macdantaas, sida Bloomberg ay kasoo xigatay website-ka wararka ee Somaliland Chronicle bishii Juun 2024.

Warbixintu waxa kaloo ay carabowday in Somaliland ay leedahay kaydad dhan oo khayraad dabiici ah oo ay ka mid yihiinkay tin (birta), dhagaxyo qaali ah, iyo macdano warshadeed oo ay ka mid yihiin Gypsum, agabka sibidhka iyo dahab, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday African Mining bishii Juun 2023.

Bloomberg wuxuu xusay in C/Raxmaan-Cirro uu sheegay in uu rajaynayo in uu booqdo Maraykanka, isagoo tilmaamay in heshiisyada cusub ee uu la galayo Maraykanka aysan wax shuruud ah ku xirnayn in Trump uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland.

Mar uu wargeysku weydiiyay suurtagalnimada saldhig millateri oo Maraykanku ka samaysto Somaliland, ayuu Cirro yiri "Weli arrimahaas waan ka wada hadlaynaa. Waxaan rajaynaynaa in wada-hadalladaasi ay mustaqbalka midho dhalaan."

Related Items

Update cookies preferences