Nin hubaysan oo sitay qori nooca daran-dooriga u dhaca ah ayaa 4 qof ku dilay gudaha dhisme ku yaal xaafadda Manhattan ee magaalada New Yorka ee carriga Maraykanka.
Sida ay warbaahintu soo tebinayso ninkan dilka geystay oo kelidii ahaa ayaa isna goobtaasi isku khaarajiyey, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka New York. Waxaanu noqonayaa qofkii shanaad ee toogashaasi ku naf-waaya.
Dilkan ayaa dhacay fiidkii xalay, waxaana mid ka mida dadka la laayay uu ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska New York, oo ah magaalada ugu weyn dalka Maraykanka.
Sidoo kale toogashadan ayaa lagu soo warramayaa in hal qof oo kale uu ku dhaawacmay, kaas oo xaaladdiisa caafimaad aad looga dayriyey, maadaama dhaawaciisu uu garaab yahay.
Sarkaalkan dhegta dhiigga loo daray oo da'diisu ahayd 36 jir, ayaa magaciisa lagu sheegay Didarul Islam, waxaanu xilligaasi ku gudo-jiray shaqadiisa, isagoo qayb ka ahaa saraakiil roondo ah oo loo xil-saaray ilaalinta goobaha ganacsiga.
Taliyaha Booliska New York, Jessica Tisch, ayaa sheegtay in ninka hubaysan oo lagu magacaabi jiray Shane Tamura, ay da’diisu ahayd 27 jir, isla markaana uu degganaa magaalada Las Vegas.
Toogashadan ayaa xilli mashquul badan ka bilaabatay gudaha hool ku yaal Manhattan, ka dibna waxay u gudubtay xafiisyada dabaqyada sare ee sharikaduhu ay deggen yihiin, isagoo tuhmanuhu wiishka u raacay dabaqa 33-aad.
Sawir laga qaaday ninkan dilka geystay oo warbaahinta CNN ay sheegtay in boolisku uu la wadaagay ayaa muujinaya nin ku hubaysan qori oo sii galaya mid ka mida dhismayaasha, iyadoo boolisku xaqiijiyey in ninkani uu sitay qoriga darandooriga u dhaca ee loo yaqaan M4 Carbine.